Kulan Galkacyo ka dhacay iyo Gaas oo ciidamo dalacsiiyay
GALKACYO, Puntland- Kulan qayb ka ah qorshaha lagu nabadaynayo magaalada Galkacyo ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf, waxaana joogay madaxda labada maamul, Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday iyo guddiga howsha nabadaynta loo xilsaaray.
Shirkaas waxaa looga hadlay howlaha socda iyo qaabkii magaaladu u noqon lahayd mid xasiloon, waxaana khubado kasoo jeediyay madaxda labada dhinac.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa madasha ka sheegay in la isku dhafo ama si isweydaar ah la isugu daro guddiga labada dhinac si loo abuuro kalsooni ay Guddiyadu kuwada shaqayn karaan islamarkaana guul uga gaaraan howlaha ka socda xarunta gobolka Mudug.
Dhinaca kale masuuliyiintii kale ee shirka ka qayb galay iyo xubnaha guddiga ee labada dhinac ayaa si weyn usoo dhoweeyey talo soojeedinta madaxweynaha, waxaana la isku daray labadii Guddi ee ka koobnaa 18 qof.
Gaas, ayaa sidoo kale guddiga uga mahad celiyey dedaalka iyo tallaabada muhiimka ah ee ay ka gaareen kala qaadista ciidamada iyo xabad joojinta ka dhaqan gashay xarunta gobolka Mudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kulanka erayo kooban ka jeediyay ayaa tibaaxay in xubnaha la xulay tallaabo wax ku ool ah ka gaareen xabad joojinta iyo kala qaadista ciidamada taasina ay tahay mid rajo wanaagsan ka muujisay talaabooyinka waddatashi ee ay guddigu qorshaysteen.
Ra'iisul wasaaraha Somalia ee waqtigu ka dhammaaday, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dhankiisa ku dhiiri geliyey guddiga labada dhinac ee nabadaynta magaalada Gaalkacayo wada inay ku dedaalaan dardar gelinta qorshaha xasilinta magaalada Gaalkacayo, islamarkaana xusay in Gaalkacayo u baahantahay amni iyo horumar.
Gaas oo ciidamo Dalacsiiyay:-
Dhanka kale madaxweynaha Puntland, ayaa maanta xaflad kooban hoyga uu Galkacyo ka daganyahay ugu qabtay 6 askari oo kasoo laabatay tababar ciidan oo labo sano oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shan ka mid ah saraakiishan u dallacsiiyay labo xiddiglayaal halka sarkaalka lixaadna uu Madaxweynuhu ka dhigay saddex xiddigle.
Taliyaha guud ee ciidamada Dawladda Puntland General Siciid Maxmaed Xirsi (Siciid Dheere) oo madasha joogay, ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sano ah uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Ehiopia, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.
GAROWEONLINE