Kulanka Kismayo oo laga cabsi qabo inuu dib u dhac ku yimaado

Image

Jan1, 2016 (GO)- Warsidaha Garowe Online oo la hadley xogaagal ka warqaba shirarka Somalia  ayaa ogaadey iney suurtagal tahay inuu dib u dhaco kulanka la filayo in dhinacyada Somalida isugu yimaadaan magaalada Kismayo Jan 10,2016.

Sababta dib u dhacaan keeneysa ayaa la rumeysan yahay iney tahay, madaxweynaha maamulka Konnfur Glbeed inuu qaadaco imaanshaha magaalada Kismayo sababo la xiriira maamulka dhowaan laga dhawaaqey sadex degmo oo ka tirsan gobolka Bakool.

Maamulkaan oo loogu magacdarey Bakool Sare ayaa waxaa sida rumeysan yahay waxaa aqoonsadey maamulada Jubaland iyo dowlada Puntland taasoo salka ka haysa nidaamka qabaliga ah ee ka jira dalka Somalia.

Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa waxaa kaga socda gobolka Shabeelaha Hoose diidmo kasoo yeeraysa dadka degaankaaas daga kuwasoo ka cabanaya la tashi la'aan maamulkiisa ah

Dhinaca kale qodoka kale dib u dhacaan waxaa keeni kara in ergeyga qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Somalia ee cusub qorsheynayo in shirka Kismayo ka hor uu safaro ku baxsho qaybaha kala duwan Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra'isla wasaaraha Somalia ku wehelin doona safarkaan ergeyga cusub ee qaramada midoobey kuwaasoo ururin doona fikirka dhinacyada Somalida ka qabaan qaabka lagu soo xulo doono Barlamanka 2016.

Kulanka magaalada Muqdishu lagu qabtey sanadkii lasoo dhaafey dabayaaqadiisa ayaa madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka ku gaarin go'aan rasmiya ee la xiriira qaabka lagu soo xulayo Barlamanka Federaalka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM