Toos: kulanka la xisaabtanka xukuumadda oo maalintii labaad socda

Image

December 28, 2014 (GO)- Iyadoo maalintii labaad si toos ah hoolka shirarka ee wasaarada caafimaadka Puntland ee magaalada Garowe uga socdo kulanka lagula xisaabtamayo xukuumadda Puntland ayaa waxay maanta wasaaraduhu soo bandhigayaan qorshahooda ku aaddan sanadka 2015.

Ilaa iyo hadda wasaaradaha warbixinaha laga dhegeystey ee qorsheyaalkooda soo bandhigay waxaa kamid ah: wasaaradda cadaaladda iyo arimaha diinta; wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose; wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, wasaarada amniga iyo wasaarada ganacsiga..


Wasaarada Cadaalada:

Wasaarada cadaaladda ayaa ku horeysey, waxaana qodobadii wasiirka cadaalada  sheegeen in sanadka soo socda wax laga qaban doono kamid ahaa: dib u habeynta hay'adaha garsoorka, tababarista shaqaalaha garsoorka, dhaqan gelinta xeerka kufsiga, dhismaha maxkamada sare, furista mahcad lagu tababaro shaqaalaha garsoorka, diiwaan gelinta iyo dib u eegista shuruucda xirfadleyaasha garsoorka ee madaxa bannaan sida qareemada iyo notaayooyinka.

Wasaarada Amniga:

Intaas kadib waxaa lagu soo dhoweeyey wasaarada amniga. Wasiirka amniga iyo agaasimaha wasaarada amniga ayaa faah faahin ka bixiyey qorsheyaalka sanadka 2015 oo ay ugu muhiimsanaayeen: dib u habeynta ciidamada, la dagaalanka argagixisada, tayeynta hay'adaha sirdoonka iyo sugidda amaanka guud ee dalka.

Wasaarada Arimaha Gudaha:

Wasaarada saddexaad ee maanta qorshaheeda soo bandhigtay ayaa ahayd wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose. Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada ayaa soo bandhigay qorshaha wasaarada sanadka 2015, waxaana ugu muhiimsanaa: dhismaha maamullada degmooyinka iyo gobolada, kala xadeynta gobolada iyo degmooyinka, dhameystirka iyo dardargelinta mashaariicda horumarinta ee JPLG, baahinta dowlad wanaaga iyo tabo barista shaqaalaha dowaldaha hoose.

Wasaarada Qorsheynta:

Wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ayaa intaas kadib soo gudbisey qorshaheeda iyadoo Madaxweynaha iyo qaar kamid ah xubnaha golaha wasiiradu su'aalo weydiiyeen wasiirka qorsheynta Cali Axmed Faatax. Arimaha wax laga weydiiyey waxaa kamid ahaa: hirgelinta barnaamijka New Deal, hanaanka lagu ururinayo xogaha la xiriira mashaariicda Qaramada Midoobay ee DAD (Development Assessment Database) iyo heshiisyadii lala galay Bankiga Horumarinta Afrika.

Madaxweyne Gaas ayaa dhaliilay qorshaha wasaarada oo sida uu sheegay ah mid kooban islamarkaana aan si fiican u faah faahsaneyn. Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu ku boorriyey madaxda wasaarada inay xushaan shaqaale tayo leh maadaama wasaaradu tahay albaabkii laga soo gelayey dowlada laf dhabarna u tahay shaqada dowlada.

Wasaarada Ganacsiga:

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Xasan Soo-Cade ayaa soo koobay qorshe hawleedka wasaarada ganacsiga ee sanadka soo socda. Qodabada laga xusi karo kuwii ugu muhiimsanaa ee Wasiir Soo-Cade sheegay waxaa kamid ahaa: kobcinta wax soo saarka gudaha, kor u qaadista iyo dhiirigelinta maal gashiga, qabashada carwo ganacsi, hubinta tayada badeecadaha, dhiirigelinta dhoofinta khayraadka dalka iyo weliba in lasii amba qaado heshiisyadii dhanka ganacsiga ee Puntland iyo Itoobiya wada gaareen.

Kulanka ayaa soo xirmi doona gelinka dambe ee maanta.

Faah faahin dheeri ah kala saco...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM