Kulankii Kismayo ka socdey oo bur bur qarka u saaran

Image

KISMAYO-Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo saaka ayaa sheegaya in kulankii magaalada Kismayo uga socdey madaxda Somalia qarka u saaran yahay in lagu kala tago.

Kulankaan oo madaxda Somalida uga bilowdey magaalada Kismayo 14 Jan, 2016 ayaa ku bilowdey khilaaf iyo isbaheysi gaar ah oo ay sameyteen madaxda dowlada Federaalka iyo labo maamul goboleed kuwasoo soo jeediyey in nidaamka aqalka hoose ee Barlamanka lagu soo xulayo noqdo 4.5 halka aqalka sare lagu soo xulo iyadoo maamulada jira u aybsanayaan si siman xubnihiisa.

Arinkaan ayaa waxaa ku gacansayrey labada maamul ee Puuntland iyo Jubaland iyadoo xogogaal u soo waramey Garowe Online sheegey in culys lagu saarey madaxweynaaysha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo Axmad Madoobe iney tanaasulaan balse diiden.

Shirka magaalada Kismayo ayaa gabi ahaanba waxaa maqan madaxda beesha caalamka gaar ahaan xafiiska qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Somalia.

Warsidaha Garowe online ayaa idinla soo socodsiin doono arrimaha ku soo kordha kulankaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM