Laamaha ammaanka Puntland oo fashiliyey "weerar argagixiso"

Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Hay'adaha nabad-gelyadda dowlada Puntland ee gobolka Bari ayaa shaaciyey in ay fashiliyeen "weerar argagixiso" kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen magaaladda Boosaaso.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, weerarka oo la damacsanaa in loo adeegsaday qaraxyo ayay laamaha ammaanka ku guuleysteen in ay ka hortagaan.

Miinooyinka ayaa laga soo saarey nawaaxiga masjidka Rashiid ee Boosaaso, sidda uu maamulka gobolka Bari u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Ciidamadda booliska oo kaashanaya cutubyadda si gaarka ah u tababaran ee ciidamadda Puntland ayaa si wadajir ah u fuliyey howlgalka.

"Ciidamada PSF oo kaashanaya Police qaybta Gobolka Bari ayaa waxay ku guuleysteen in ay fashiliyaan qaraxyo lagu diyaariyey guri ku yaala magalaada Boosaso, qaraxaas oo loogu talo galay in lagu waxyeeleyo shacabka reer Puntland ee magaaladda Boosaaso," ayuu yiri taliska ciidamadda.

Qoraalka ayaa ku daray: "Taageer ciidamada si loo sugo Amniga, adigoo ku wargelinaya waxkasta oo dhib gaarsiin kara Bulshada".

Mas'uuliyiinta ayaa kaga mahadceliyey ciidamadda naf-hurnimadda ay sameeyeen kuna booriyey in ay xoojiyaan howlgaladda lagu sugayo xasiloonida.

Booaaso ayaa martigelineysa wafdi heer sarre ah oo uu horkacayo madaxweynaha Jubaland, oo socdaal maalmo qaadanaya ku jooga xarunta gobolka Bari lana kulmay dhigiisa Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM