Lacag faalso ah oo Garowe lagu qabtay [Sawirro]
07 January, 2016(GO)-Waxaa maanta maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugal lakeenay kiis la xiriira lacag faalso ah oo lagu soo qaybta Kantaroolka Galbeed magalada Garowe.
Lacagtan oo cadad ahaan gaaraysay 55,400,000 (Konton iyo shan malyan iyo afar boqol oo kun), ayaa laga keenay magalada Galkacyo, waxaana loo waday Garowe balse ciidamada amniga gacanta ku dhigeen.
Maxkamadda ayaa lasoo taagay darawalka waday gaariga lacagtan saarnayd, isagoo loo haysto dacwad la xiriirta lacagtan wuxuuna xabsi ku yaalla Garowe ku xirnaa saddex bari sida uu sheegay.
Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugal Cabdi Jamac Axmed ayaa maxkadda ka hor akhriyay kiiska dawacddan, wuxuuna tilmaamay in Abshir Maxamed Xirsi lagusoo helay dambi la xiriira gudbinta lacag faalso ah oo lagu daabacay gobollada dhexe.
Balse, eedaysane Abshir Maxamed ayaa arrintaasi iska fogeeyay, wuxuuna xusay inuu kamidyahay Tagsiilayaasha isaga goosha Garowe iyo Galkacyo allaabtan oo kartoon ku xiranna loosoo dhiibtay iyadoo loogu sheegay inay tahay lacag caadi ah.
Wuxuu tilmaamay inuusan aqoonna u lahayn faalsida maadama ay jito lacag cusub oo dowladda Puntland daabacday.
Taliyaha Kantaroolka Galbeed magalada Garowe Cadaanni Nuur Cali ayaa sheegay inay lacagtan qabteen xilli loo waday gudaha caasumadda Puntland, wuxuuna xusay baaritaan kadib inay darawalka kacodsadeen hagidda meesha loo wado balse uu inkiray islamarkaana cadeeyay inuusan aqoon cidda iska leh.
Dood kadib maxkamadda aya xeer ilaalinta ka codsatay inay keento caddaymo la xiriirta faalso ahaanta lacagtan, waxaana kiiskan loo ballamay 09 bishan in dib la isugu soo laabto.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Puntland Bosaso ku daabcday lacag faalso ah, waxaana dadka ku nool Puntland iyo ganacsatadu ka cabsi qabeen daabacaadda lacago kale iyo sicir barar, waxaana muuqata khatartii laga baqayay inay soo gashay suuqyada Puntland.
GAROWEONLINE