​Lacag Fuustooyin lagu soo qariyay oo Bosaso lagu qabtay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Taliska Ciidamada Kantaroolka magaalada Bosaso ayaa maanta soo bandhigay lacag tiro badan oo Shilling Somali ah kuwaasoo la doonayay in si sharci darro ah loo galiyo xarunta gobolka Bari.

Lacagtan oo lagu soo gariyay baabuur islamarkaana lagusoo riday Fuustooyin la Alxamay iyo Baxo ayaa ciidamo ku qabteen Kantaroolka, waxaana loo soo bandhigay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqasho ku jooga Bosaso.

Taliyaha Ciidamada Koontaroolka Magaalada Boosaaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in lacagtaan laga keenay gobollada kale ee dalka Soomaaliya islamarkaana la doonayay in qaab tuugo ah loo galiyo magaalada.

Wuxuu xusay inay gacanta kiu hayaan baabuurkii  sida lacagtaan islamarkaana baaritaan ku socdo.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Puntland  oo hada ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu gaaray arimo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa kala soo cida lacagta shilinka Soomaaliga ah oo wali ka taagan magaalada Boosaaso  waxa uuna kulan la qaadan doonaan Maamulka Gobalka kan Degmada Boosaaso iyo Ganacsatada Magaalada Boosaaso .

Talisku waxay sheegeen in lacagta ay tahay mid been abuur ah islamarkaana ay ku wareejiyeen wasaaradda maaliyadda Puntland.

Arrintan ayaa timid xilli dhawaan ganacsatadu ay ka cabanayeen lacago sh. Somali ah oo laga soo safriyay gobollada Koonfureed ee dalka Soomaliya kadib markii laga diiday goobahaas amar kasoo baxay Shabaab awgiis.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa shacabka fartay inay qaataan lacagta Shilling Soomaaliga iyadoo aan la kala soocayn, waxaana taasi keentay in lacago badan lagasoo safriyo meelaha laga diiday iyadoo lagu badalanayo Doollar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM