Lacagta ku baxeysa dhismaha dekada Garacad oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo caawa ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo maanta meesha ay marayso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray.

“Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM