Ururada siyaasadeed ee laga diiwaan-geliyey Puntland oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland—Guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shaaciyey liiska ururada siyaasadeed oo uu diiwaan-geliyey, saddexdii bilood ee aynu kasoo gudubnay.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay guddiga oo uu arkay Garowe Online, wadarta guud ee ururada la liis-gareeyay ayaa gaareysa 17.

Ururada oo la hudbiyey codsiyadooda ayaa la siiyey shahaadooyin ku meelgaar ah markii ay buuxiyeen shuruucdo horudhac ah, sidda ku cad warqadda, oo intaas ku dartay in ay baaqi u yihiin shuruudo kale.

Guuleed Saalax Maxamed, guddoomiyaha guddiga oo saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in afar urur siyaasadeed aysan wali si rasmi ah u diiwaan-gelin maadaama aysan dhameystirin shuruudihii loo baahnaa.

"Ururada ay wax ka dhimanaadeen ama ay wax ka khaldameen waxaan u qornay warqad rasmi ah, waxaana loo qabtay in ay kusoo dhameystiraan wixii ka dhiman 4 maalmood oo ku eg 22/04/2020," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhameystirka shuruudaha wejiga labaa oo ay kamid yihiin qabashada shirweynaha, furashada xafiisyada gobolada iyo soo gudbinta 1,800 xubin oo ku sugan ugu yaraan lix gobol ayaa ku eg isla 22/04/2020.

Intii lagu guda jira shirka jaraa'id, guddoomiye Saalax ayaa carabka ku adkeeyay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay Puntland ka hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod, isagoo bogaadiyey taageerada xukuumadda.

Beesha Caalamka si gaar ah saaxiibada Puntland ayuu kalsooni weyn ka muujiyey in ay garab istaagi doonan in laga gudbo nidaamka 4.5.

Ugu dambeyntii, bulshadda iyo siyaasiyiinta Puntland ayuu hoosta ka xariiqay in ay u muujiyeen rabitaan weyn oo ku saabsan hirgelinta nidaamka xisbiyadda, oo shacabka u ogolaanaya in ay soo doortaan hogaamiyeyaashooda.

WARQADDA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM