Maamulka cusub ee Rugta Ganacsiga Puntland oo xilka la wareegey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

January 11, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegeen madaxdii hore ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo madaxda cusub ee dhowaanta lasoo doortay.

Xafladda xil-wareejinta oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku kasoo qayb galeen waxaa ugu horreyn ka hadlay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Rugta Maxamed Caydiid Dirir isagoo hambalyo u diray hoggaanka cusub sheegayna inuu si dhow ula shaqeyn doono.

Cabdiraxmaan Jaamac Warsame oo ah guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga oo intaas kadib hadalka qaatey ayaa uga mahadceliyey maamulkii hore qaabka hufan ee ay xilka u wareejiyeen.

Mar uu ka hadlayey qorshahooda mustaqbalka dhow wuxuu sheegay inay la iman doonaan fikaro horumarineed oo cusub islamarkaana dadaal badan ku bixin doonaan sidii loo kobcin lahaa ganacsiga maalgashigana loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xafladda xil-wareejinta soo xiray ayaa ku booriyey ganacsatada reer Puntland inay isku duubnaadaan dadaal badanna geliyaan sidii wax soo saarka gudaha loo kordhin lahaa.

December 25, 2014 ayaa magaalada Bosaso lagu doortay hoggaanka cusub ee Rugta Ganacsiga Puntland oo iyadu ah hay'ad madax bannaan oo shirkadaha ganacsigu ku mideysan yihiin wadashaqeyn dhowna laleh Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM