Maamulka Eyl oo beeniyay in doon la qafaashay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Maamulka magaalada Eyl ee gobolka Nugal, ayaa ka hadlay warar sheegaya in degmadaas lagu af-duubtay dooni Kalluumaysi oo uu leeyahay ganacsade reer Puntland ah.

Guddoomiyaha Eyl, Muuse Cismaan Yuusuf  oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inaysan ogayn wax doon ah oo lagu qafaashay deegaanada hoos yimaada degmada.

Muuse, ayaa xusay inay baaritaan dheer ka sameeyeen goobta la sheegay in laga kaxaystay degmada islamarkaana aysan jirin cid burcad ah oo kaxaysatay doontaas.

Inkastoo uu ka gaabsaday inuu beeniyo qafaalashada doonta, hadana Guddoomiye Cismaana ayaa xusay in af-duubku uusan ka dhicin seeraha degmada Eyl.

Wuxuu intaas ku daray inay jiraan xuduudo ay la leeyihiin degmooyinka Godob-jiiraan iyo Bayla.

Waqtiga la sheegay in koox bur-cad ah ay doonta ka qafaasheen deegaanka Marraya, ayuu sheegay Guddoomiyaha Eyl in ciidanka Badda Puntland howl gal ka wadeen xeebaha.

Muse Cisman Yusuf ayaa sidoo kale sheegey inay gacanta ku hayaa Doonyo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay nawaaxiga degmada.

Faah faahin intaas dheer kama uusan bixin, balse wuxuu sheegay inay sharciga la hortagi doonaan.

Dhinaca kale sarkaal katirsan ciidanka PMPF-ta Puntland, oo la hadlay Warsidaha GO, ayaa xaqiijiyay in af-duubku jiro islamarkaana koox burcad ah oo tiradooda lagu qiyaasay Lix ruux ay doontaas ka qafaasheen degmada Eyl iyagoo xalay la tagay degmada Bayla halkaasoo la sheegay inay ka raaceen rag kale oo hubaysan, waloow aan ilaa hadda war rasmi ah laga hayn goobta ay joogaan.

Ciidanka badda ayaa la sheegay inay ku baxeen raggaas af-duubka u gaystan doontaas oo lasoo warinayo inay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM