Maamulka Garbahaarey oo ka hadley weerarada

Image

GARBAHAREY: Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa duqaymo ka gaystay mar kale diyaaradaha ciidamada Kenya.

Maamulka degmada Garba-haaray oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay duqaynta diyaaradaha Kenya ay wali ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaas.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Gar-bahaaray Cabdi Barre Maxamed ayaa ka waramay xaalada dadkii ka barakacay deegaanada duqayntu ka dhacday iyo kuwa Ceel-cadde oo ciidamada Kenya shalay ka baxeen.

Duqeymahaan ayaa yimid kadib markii ururka Al-shabaab Jan 15,2016 weerarey ciidamo ka tirsan dalka Kenya kuwasoo saldhig ku lahaa degaanka Ceelcad.

Kenya aay waxaa kasoo bixin tafaasiil ah rasmiya oo halkaas lagaga diley balse ururka Al-shabaab ayaa sheegtey iney askar gaareysa 100 ku dileen weerarkaas halka gaadiid iyo saanad ku qabsadeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM