Maamulka gobolka Mudug oo baaq u diray bulshada

Image

January 3, 2015 (GO)- Maamulka gobolka Mudug ayaa ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada inay hay'adaha ammaanka si dhow ula shaqeeyaan, si looga hortago falalka nabadgelyada lidka ku ah gacantana  loogu soo dhigo qas-wadeyaasha.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtey Galkacayo ayaa sheegay in haddii la waayo taageerada bulshada adkaan doonto in ammaanka si buuxda loo sugo.

Dhanka kale guddoomiye ku-xigeenka oo la weydiiyey su'aal ahayd " maxaa ka jira in ciidamada ammaanku joojiyeen hawlgalladii roondada kadib markii mushaharaadka laga jaray" wuxuu qiray in ciidanku dhowr bilood mushahar qaadan balse taasi la micne ahayn in musharaadka laga jaray shaqadoodana si joogto ah usii wataan.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xiriir fiicani kala dhexeeyo laamaha ammaanka ee Galmudug si dhowna uga wada shaqeeyaan qabqabashada iyo ka hortagga kooxaha geysta falalka ammaanka lidka ku ah.

Labadii asbuuc ee ugu dambeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo ka dhacay saddex qarax oo lala beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi, Radio Galkacayo iyo bas ay la socdeen macallimiin Kenyan ah oo wax ka dhiga dugsiga Yameska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM