Madaxtooyadda Puntland oo fahfaahisay socdaalka Deni ee Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne.

Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusii sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM