Madaxweynaha dowladda Puntland oo dhagax dhigay mashaariic

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo Mashruuca balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe deegaanka Xero-Jaalle ee degmada Galdogob.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen Xero-Jaalle waxaa siweyn u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, intaasi kadib wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo mashruuca Balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Xero Jaalle oo ay ka shaqeynayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Intii uu ku sugnaa deegaanka Xero Jaalle Madaxweyne Deni, wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhegaystay baahiyahooda, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu ka jawaabay baahida ugu weyn ee ay soo gudbiyeen dadka deegaanku isagoo faray Hay’addaha ay khuseyso in magaaladdaasi la geliyo sida ugu dhakhsiyaha badan Soolar-ka cadceeda ka dhaliya Korontada.

Weftiga Madaxwaynaha waxa ka mid ah wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan xukuumada, la'taliyayaasha Madaxwaynaha, Saraakil ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM