Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay taliyeyaal cusub

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axada maanta ah wuxuu magacaabay taliyeyaal cusub oo hogaamin doona ciidamada madaxtooyadda iyo booliska gobolka Nugaal.

Wareegto ku taariikheysan 10-ka bisha August oo lasoo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda ayaa Cabdiqaadir Jaamac Dirir loogu magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyadda.

Digreetadda oo sumadeedu tahay Xeer Madaxweyne Lr. 51 ayaa Maxamed Aadan Jaamac loogu magacaabay taliyaha boolsika gobolka Nugaal oo ay ku taalo caasimada dowlada ee Garowe.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

*Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


Cabdiqaadir ayaa bedelaya Cismaan Itoobiyaan oo shalay ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo kaasoo ka dhashay howlgal ay ciidamadda ku qaadeen kooxo ka ganacsatada daroogada.

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM