Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay taliyeyaal cusub

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axada maanta ah wuxuu magacaabay taliyeyaal cusub oo hogaamin doona ciidamada madaxtooyadda iyo booliska gobolka Nugaal.

Wareegto ku taariikheysan 10-ka bisha August oo lasoo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda ayaa Cabdiqaadir Jaamac Dirir loogu magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyadda.

Digreetadda oo sumadeedu tahay Xeer Madaxweyne Lr. 51 ayaa Maxamed Aadan Jaamac loogu magacaabay taliyaha boolsika gobolka Nugaal oo ay ku taalo caasimada dowlada ee Garowe.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

*Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


Cabdiqaadir ayaa bedelaya Cismaan Itoobiyaan oo shalay ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo kaasoo ka dhashay howlgal ay ciidamadda ku qaadeen kooxo ka ganacsatada daroogada.

Related Articles

Deni: We will not sit idle and wait for external support in the ISIS battle

So far, the local security teams have killed over 60 terrorists, destroying several bases in the process within the Bari region.

  • Puntland

    08-02-2025

  • 10:40AM

Puntland Kaligeed Ayay Ku Jirtaa Dagaalka – Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Howlgalka

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlado qaar ay gacan ka geysteen…

  • Puntland

    06-02-2025

  • 04:37PM