Madaxweynaha PL oo kulan la qaatay Philippe Lazzarini

Image

January 21 , 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe wuxuu ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya dhinaca horumarinta iyo samafalka Philippe Lazzarini iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey.

Kulankan gaarka ah oo Madaxweyne Gaas la qaatay Philippe Lazzarini ayaa waxay uga wada hadleen arrimaha kala ah bini'aadanimada, horumarka, Nabad gelyada iyo kor u qaadista wada shaqeynta u dhaxaysa Puntland iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa saxaafadda u sheegay in isaga iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini ay ka wada hadleen arima ay ka mid yihiin barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya iyo meesha uu marayo.

Wuxuuna dhanka kale Madaxweyne Gaas uu xusay in  Mr. Lazzarini ay isku afgarteen in Puntland lagu qabto shirar kala duwan oo uu ugu horeeyo shirka qeybta horumarinta ee ka dhici doona Garoowe asbuuca soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM