Madaxweynaha PL oo xilka ka qaadey gudoomiyaha gobolka Nugaal

Image

GAROWE Feb 1,2015 [GO]- Warar hordhac ah oo soo gaarey warsidaha Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas xilka ka qaadey gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbe xilli uu wadanka dibadiisa safar ugu maqan yahay.

Gudoomiyaha cusub ee xilka loo magacaabey ayaa magaciisa la yiraahdaa Cabdulahi Ciise Aw-Axmad oo horey xilkaan u hayn jirey dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cadde Muse Xirsi balse laga qaadey.

Xilka ka qaadistaan ayaa timid xilli maalmihii lasoo dhaafey muran xoogan ka jirey maamulka gobolka Nugaal kadib marii Gudoomiye Buumbe iyo ku-xigeenada halka la shegeey in cabashooyin ba'an ka yimaadeen qaybo kala duwan oo ka tirsan buslhada dagan gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha xilka laga qaadey ayaa kamid ah dadkii olalaha doorashda kala shaqeeyey Cabdiweli Cali Gaas markii uu u tartamayey xilkaan madaxweynaha Puntland.

Garoweonline kala soco wararka kasoo kordha magacaabistaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM