​Madaxweynaha Puntland oo Baydhabo aaday

Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta u dhoofay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, isagoo ka qayb galaya shirka ugu dambeeya madasha wadatashiga Qaran ee ka dhacaya xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Gaas, ayaa qayb ka ah madaxda maanta tagaysa magaalada Baydhabo, waxaana kasii horeeyay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wasiirro katirsan dowaladda Federalka.

Shirkan oo socon doona saddex maalin, ayaa diiradda lagu saari doonaa in lagu dhammaystiro arrimaha farsamo ee ka dhiman doorashada dalka ka dhacaysa sannadka 2016.

Madaxda dowladda Federalka iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa iyaguna ku wajahan magaalada Baydhabo.

Ammaanka magalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana goobaha muhiimka ah la wareegey ciidanka Amisom ee Itoobiya ka socda kuwaasoo baaritaano kala duwan bilaabay.

Madaxwaynaha mamulka Koonfur galbeed oo shirkan marti galiyay ayaa sheegay inuu furmayo shirka isla maanta, waxaana magalada ku wajahan wafdiyo kala duwan oo ka imaanaya Kismaayo,Muqdisho,Galmudug iyo Puntland.

Kulankan, ayaa noqon doona mid arrimo adag looga hadlo kuwaasi oo qabyo ka ahaa shirkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM