Gaas oo dib uga dhacey Shirka Kismaayo [Sababta]

Image

BOSSASO, Puntland - Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa  dib u dhigey safar uu uga qayb gali lahaa kulan magalaada Kismaayo isugu imaan lahaayeen madaxda maamulada Somaliya kadib markii culeysyo siyasadeed kaga yimadeen qaar ka tirsan Xildhibanada Barlamanka iyo madaxda sare ee Puntland.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in kulamo maalmahaan uga socdey magalaada Bosaso qaar ka tirsan xildhibaano,  gudoonka Barlamanka Puntland iyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas aan lagu guuleysan in la isku afgarto kadib markii madaxweynihu ku adkeystey ka qayb galka kulanka Kismayo ka furmaya maalinta Axad, ee soo aadan.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in kulankaan uu ahaa mid horey loogu balamey islamarkana uusan shuqul ku laheyn khilaafyada la sheegayo iney u dhexeeyaan maamulada iyo dowlada Federaalka Somaliya halka qaban qaabadiisa maamulka Jubaland kharash badan ku galey.

Wararka ayaa sheegaya in arinku isbadalay kadib markii 3/10/2017 Madaxweyne ku xigeenka Puntland isaga oo ka duulaya garoonka magalaada Garowe saxafada u sheegey in kulanka Kismayo wax dan ah ugu jrin ka qayb galkiisa Dowlada Puntland Halkaan ka dhageyso taasoo ka careysiisey Madaxweyne Gaas sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan.

Garowe Online ayaa fahansan in labada mas’uul ee ugu sareeya Puntland aysan isku ogeyn hadalka saxafada loo gudibiyey taasoo xildhibaanadii culeyska saarayey Madaxweyne Gaas in uusan ka qayb galin shirka Kismayo ku noqotey waji Gabax.

Waa markii ugu horeysay mudadii Puntland jirtey si dadweynaha aan ka qarsooneyn (Public) Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen haya talada Puntland fikir kala duwan u gubiyaan saxaafada.

Lama oga doorka Dowlada Federaalka ku leedahay culeyska Madaxweyne Gaas ay saarayaan qaar ka tirsan Barlamanka Puntland  balse waxaa hubanti ah in Villa Somaliya raali ka aheyn qabsoomida kulankaan.

Dowlada Somaliya ayaa dadaal badan u gashay in kulankaan la baajiyo iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in wadamada dariska ah qaarkood ka codsatey sidii ay uga caawini lahaayeen baajinta shirkaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM