​Madaxweynaha Puntland oo digniin u diray Al Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, isagoo safar dhanka cirka ah kaga soo kicitimay xarunta gobolka Bari ee Bosaso.

Waxaa garoonka diyaaradaha Canoco, kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda, waxaana loo soo gudbiyay xarunta madaxtooyada oo uu kula hadlay warbaahinta, isagoo shirkiisa Jara'id kaga warbixiyay safarradiisii Muqdishu, Imaaraadka, Colaadda deegaanka Dharkayn-geenyo gobolka Soola, dilkii ALLAHA u naxariistee Dhudi Yusuf iyo digniin uu diray kooxda Al Shabaab.

  • Safarkii Muqdishu

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa sheegay in muqdishu uga qayb galay shirkii madasha wadatashiga ee looga hadlayay doorashada Soomaliya, wuxuuna tilmaamay inuu wax wanaagsan kasoo baxay iyadoo uu xusay in 20 bishan lagu kulmi doono magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

  • Safarka Imaaraadka

Gaas ayaa sheegay inuu dhawaan safar dhawr maalin qaatay ku gaaray magalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu ku saabsanaa arrimo ku aadan nabadgalyada, siyaasadda iyo hormarinta dhaqaalaha, wuxuuna intaasi raaciyay in wax wanaagsan kasoo baxeen.

  • Colaadda deegaanka Dharkayn-geeyno Gobolka Sool

Madaxweynaha Puntland, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay colaad dad badan ku dhinteen oo muddo labo todobaad ah ka taagnayd deegaanka Dharkayn geenyo gobolka Sool, wuxuuna sheegay inay aad uga xunyihiin arrintaasi, isagoo xusay in ka xukummad ahaan qaadanayaa kaalintooda ku aadan sidii loo damin lahaa colaaddaasi.

  • Dilkii gudoomiyihii haweenka gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku gudajiray shirkiisa Jara'id ee uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Garowe, wuxuu kusoo hadal qaaday dil koox hubaysan xalay u gaysteen maama Dhudi Yusuf oo ahayd guddoomiyihii haweenka gobolka Mudug islamarkaana u dhaq-dhaqaaqi jirtay taakulaynt ciidamada iyo hormarinta waddanka, wuxuuna sheegay inay aad uga xunyihiin dhacdadaasi isagoo xusay in mallayshiyaadka Al Shabaab kusoo guryo noqdeen dadka maatada ah, kolkii ay ku fashilmeen dagaallada ay la galayaan ciidamada Qalabka sida.

Gaas, wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo umadda reer Puntland ee ay ka geeriyootay Dhudi Yusuf.

  • Digniinta ururka Al Shabaab

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa markii ugu horraysay digniin u diray mallayshiyada kooxda Shabaab isagoo wacad ku maray inay layn doonaan maxabiistooda ku jirta xabsidayada Puntland, xilli kasta oo ay falal caynkaan ah  ka gaystaan gudaha dalka.

"Waxaan u sheegaynaa Shabaab waxa weeye; inay xabsiyada Puntland ka buuxaan Shabaab tiro badan oo markay kuwo dilaal anagu dili karno, hadana baqaas ayaan u dirayaa waana naga dhaba, markaad 5 dishaan 20 ayaan dilaynaa barkee xabsiyadaan ku haynaa,"Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Digniintan ayaa kusoo beegantay xilli xukuumadda Puntland, garsoorka iyo maxkamaduhuba ka gaabiyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, marka laga reebo ciidamada qalabka sida oo kula dagaallama jiidaha hore, waxaana inta badan howgallo iyo dagaallaba lagu soo qabtay mallayshiyaad badan oo kooxdaasi katirsan, kuwaasi oo ilaa hadda ka buuxa xabsiyada Puntland iyagoon lasoo taagin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM