Madaxweynaha Puntland oo Garowe kasoo dagay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe, kadib safarro uu uga maqnaa bilooyinkii u dambeeyay kaasoo ugu dambeeysay socdaal uu ku gaaray Imaaraadka iyo Ethiopia.

Ku-xigeenkiisa, xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa kusoo dhaweeyay magaalo Madaxda Puntland, isagoo xarunta Madaxtooyada uga waramay socdaalkiisa dibadda.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu horayn sheegay in socdaalkiisan uu ahaa mid miro dhal ah, gaar ahaan kay ku tageen dalka, isagoo sheegay inay soo faa’iideen mashaariic ay ku jiraan dhismaha Garoonka diyaaradaha Galkacyo iyo Wadada isku xirta Garowe iyo Eyl, kuwaasoo xusay in howshoodu billaaban doonto dhawaan gaar ahaan labada bilood ee ugu soo horaysa.

Gaas ayaa mark kale difaacay safarradiisa joogtada ah, isagoo kusoo hadal qabsaday maah-maahda inta badan uu adeegsado ee “Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”.

Madaxweynaha Puntland, ayaa dhinaca kale sheegay in dalka Imaaraadka Carabta uu u tagay howlo la xariira hormarinta dekedda Bosaso kaasoo uu sheegay in shaqadeeda ay dhammaystirayaan mas’uuliyiin katirsan dowladda oo waddankaas ku sugan.

Xubnahaas ayuu xusay inay kamid yihiin; Guddoomiyaha Barlamanka, Wasiirka Maaliyadda iyo shakhsiyaad kale.

Gaas, ayaa dhinaca kale hambalyo u diray ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF-ta, iyo dowladda taageerta ee Imaaraadka, isagoo u riyaaqay soo furashada markabkii Aris 13 ee lagu qafaashay xeebaha Bari.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka hadlay dhismaha xukuumadda cusub ee Somalia, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo islamarkaana diyaar u yahay inay la shaqeeyaan.

Socdaalka Gaas, ayaa kusoo aaday xilli abaar xooggan ay ka jiraan deegaanada Puntland, waloow ku-xigeenkiisa Camay uu sheegay inay jiraan roobab ka da’ay qaybo kamid ah gobollada Sanaag iyo Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM