Madaxweynaha Puntland oo Kismaayo u duuley

Image

March 2, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Booqashadan oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah ayaa timid kaddib markii Cabdiweli Gaas  casumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Jubaland Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku jira wasiirro, xildhibaanno iyo madax dhaqameed.

Labada mas'uul ayaa bishii hore ee February magaalada Mudisho uga qayb galay shir afar-geesood ahaa kaasoo ay isugu yimaadeen madaxda dowlada dhexe iyo madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Shirkaas oo fikirkiisa dowladaha qaybta ka ah federaalku la yimaadeen, waxaa markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo haseyeeshee mar dambe ayaa Muqdisho dib loogu soo wareejiyey.

Axmed Madoobe tan iyo markii Madaxweynaha loo doortey wuxuu Puntland booqasho ku yimid labo mar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM