Madaxweynaha Puntland oo kormeerey xarumo

Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo dhawr ah kuwaas oo isug jiray goobo ay ku shaqeeyaan hay'adaha dowladda qaybtood iyo dekeda magalada Bosaso oo dhawaan la ballaarin doono.

Xarumaha madaxweyne Gaas tagay, waxaa kamid ahaa xafiiyada ku shaqeeyaan, wasaaradaha, Maaliyadda, Kalluumaysiga, Dekedaha, Ganacsiga, waxaana goobaha uu tagay warbixino kaga dhagaystay qaar kamid ah mas'uuliyiintii kusugnaa.

Gaas ayaa kormeer ka sokow, xubnaha uu lakulmay kula dardaarmayay inay kor u qaadaan shaqada ay u hayaan shacabka reer Puntland, halka kuwa uu kadareemay shaqo wanaag ku dhiiriyay inay sii xoojiyaan.

Maaha markii ugu horaysay Madaxweyne Gaas booqdo xarumo dowladeed, wuxuuna booqasho kadis ah horay ugu sameeyay gooba ay ku shaqeeyaan hay'adaha dowladda magalada Garowe, wuxuu waqtigaas la kulmay xarumo la joogo iyo kuwa qafillo ku xiranyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM