Madaxweynaha Puntland oo la filayo inuu dib u magacaabo Wasiiradii kalsoonida lagala noqdey

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha GO ka helayo ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in la filayo dhowaan in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas dib u soo magacaabo inta badan gollihii wasiirada Puntland ee kalsoonida dhowaan ay kala noqdeen xildhibaanada Barlamanka.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada Puntland  Olole ugu jiraan sidii dib loogu soo celin lahaa qaar ka tirsan wasiirada ay isku beesha yihiin.

Olalahaan ay bilabeen xildhibaanada Puntland qaarkood kaasoo sababey in mudanayal kale ka caroodaan kuwasoo ka shaqeeynaya sidii wasiirada la jifida ah u soo noqon lahaayeen ayaa waxay rajo fiican galisey Madaxweyne Gaas.

Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo diidey magaciisa in aan xusno ayaa GO u sheegey in Wasiiradii hore ee kalsoonida laga qaadey kulamo gaar ah la leeyihiin mudanayasha ay isku beelaha yihiin kuwasoo ka codsanaya in  Madaxweyne Gaaa ugu tagaan si loogu soo daro golaha cusub ee la magacabayo.

" In golaha Wasiiradii hore intooda badan soo noqonayan waxa markhaati ka ah  Madaxweynaha Puntland waxaa uu wataa qayb mid ah golahii wasiirada hore in uu dib u soo celiyo halka xildhibaanada Barlamanka dabada ka riixayaan kuwo kale" sidaas waxaa GO u sheegey mid ka tirsan xildhibaanada Puntland oo diidey magaciisa in aan xusno.

Barlamanka Puntland ayaa qaybo kamid ah ee shacabka iyo siyaasiyiinta gobolka qaar kamid ah waxay ay rumeysan yihiin in iyadoo qodobkaas uu  Dastuuri ahaa balse in si wadarjir ah kalsoonida lagala noqdo golaha wasiirada aheyd talaabo siyasadeed kadib markii Madaxweyne Gaas mudanyaasha aqalka isku fahmi waayeen arimo dadweynaha ka qarsoon.

Barlamanka Puntland oo kalfahdigiisu ku eg-yahay bisha July dhamaadkeeda ayaa la filayo in maalmo dib loo dhigo si Madaxweynaha fursad loogu siiyo  in golihiisa wasiirada cusub soo magacaabo.

Barlamanka Puntland ayaa  27/07/2017 ansaxiyey heshiisyo dowlada Puntland la soo gashay shirkado shisheeye kuwasoo la maleynayo in saldhig u ahaayeen khilaaf la xaliyey oo sababey in golaha wasiirada la eryo. 

Xuquuqda warka waxaa leh GO hadaad rabto dib u daabicis iyo xigasho fadlan kala soo xiriir office@garoweonline.com

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM