Madaxweynaha Puntland oo la hadley Idaacada BBC Laanta Af-Somaliga

Image

Dec 29,2014 [GO]- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa ka socday batnaamij loo magac darey la xisaabtanka Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo isagu waydiinayey su'aalaha Wasiiradiisa islamarkaana kulankaas shir gudoominayey ayaa waxaa uu wareysi arinkaas ku sabsan siiyey Laanta Af-Somaliga ee BBC.

Wareysigaan oo mid kooban ahaa ayuu Madaxweyne Gaas sharaxaad ka baxiyey macnaha uu leeyahay kulankaan isaga oo sheegey inuu yahay sababta bandhigaan loo qabtey in shacabka la ogeysiiyo waxaa Xukuumadiisu qabatey.

Dhinaca kale wariyaha BBC Maxamad Ibraahim Macalimu ayaa waydiiyey Madaxweynaha Puntland " Hadii Wasiir yimaado goobta islamarkaana warbixin qurux badan meesha ka jeediyo kana aftahansan yahay midka kale soo looma qaadan karo inuu ka waxqabad fiican yahay Wasiirka kale, taasu soo kama fiicneyn in Wasaaradii la tago lala xisaabtamo, si hoosana loo ogaado waxa ka jira gudaheeda" 

Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabaya su'aashaan ayaa qirey in aan sida loo kala aftahan sanyahay loo kala waxqabad badneyn balse uu haysto saldhig ku saleysan waxa ay balan qaadeen bishii March 2014 Wsaiiradiisu taasna uu ka duulayo isaga oo xusey inuu dad tusayo waxa ay qabteen.

Ibraahim Macalamu ayaa dhinaca kale wadiiyey Madaxweynaha Puntland in isaga laftigiisu is qiimeeyey mar hadii sanad lasoo gudbey.

Wareysigaan oo dhameystiran ka dhageyso halkan

GAROWE ONLINE + BBC

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM