Madaxweynaha dowladda Puntland oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo kusoo dhoweeyay, xubno ka mid ah labada gole ee Dowladda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Saraakiisha Amniga ee Gobolka iyo qeybaha kale ee Bulshada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu joogo Mudug waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Mudug.

Deni ayaa kasoo kicitamay magaalada dekada leh ee Boosaaso, halkaas oo tababar uu ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF.

Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa ugu baaqay ciidamada in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyagoo iska dhowraya falalka wiiqaya sumcadooda.

Sidda ay sheegeen saraakiishooda, ciidamadan oo qaatay daruus muhiim u ah tabaha dagaalka, ilaalinta xeebaha iyo dabagalka dambiyada ayaa ku qalabeysan hub iyo gaadiid casri ah.

Bishaan June 21-keeda ayay ahayd markii Deni uu magaalada Qardho gaar ahaan xerada Xorgoble uu tababar ugu soo xiray dufcadii labaad oo kamid noqoneysa ciidanka Daraawiishta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM