Madaxweynaha Puntland oo saaka u ambabaxey magaalada Bosaso

Image

GAROWE Jan 22 2015 [GO]- Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka aroortii safar cirka ah ugu ambabaxey magaalada Bosaso.

Safarkaan oo warsidaha Garowe online horey u shaaciyey Halkan ka akhri ayaa salka ku haya kulan uu la qaadanayo sarakiisha ciidamada amniga dowlada Puntland kuwasoo bilihii u dambeeyey buuraha Golis kula dagaalamayey kooxda Al-shabaab.

Kulankaan ayaa sida wararka GO heleyso waxaa qayb ka ah saraakiil ka socota dowlada Mareykanka kuwaasoo ka tageera ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa PSF la dagaalanka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaleysta halkaas.

Wararka la xiriira kulankaan ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu dalbadey kulankaan kadib markii ciidamada amniga Puntlad dib uga soo noqdeen qaar ka tirsan dhulkii dhowaan laga qabsadey kooxad Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland ayaa saaka markii uu halkaas ka dagey horey kulamadaas u galey iyada oo wararku shegeayan inuu maalmaha soo socda joogi doono magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM