Madaxweynaha Puntland oo saaka u ambabaxey magaalada Bosaso

Image

GAROWE Jan 22 2015 [GO]- Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka aroortii safar cirka ah ugu ambabaxey magaalada Bosaso.

Safarkaan oo warsidaha Garowe online horey u shaaciyey Halkan ka akhri ayaa salka ku haya kulan uu la qaadanayo sarakiisha ciidamada amniga dowlada Puntland kuwasoo bilihii u dambeeyey buuraha Golis kula dagaalamayey kooxda Al-shabaab.

Kulankaan ayaa sida wararka GO heleyso waxaa qayb ka ah saraakiil ka socota dowlada Mareykanka kuwaasoo ka tageera ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa PSF la dagaalanka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaleysta halkaas.

Wararka la xiriira kulankaan ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu dalbadey kulankaan kadib markii ciidamada amniga Puntlad dib uga soo noqdeen qaar ka tirsan dhulkii dhowaan laga qabsadey kooxad Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland ayaa saaka markii uu halkaas ka dagey horey kulamadaas u galey iyada oo wararku shegeayan inuu maalmaha soo socda joogi doono magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM