Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Baydhabo

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta u amba-baxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ka furmi doono shir looga hadlayo ammaanka dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa safarkiisa waxaa ku wehelinaya xubno katirsan xukuumadda Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Garowe kusii sagootiyay qaar kamid ah golayaasha dowladda.

Kulanka oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa diiradda lagu saari doonaa wada-xaajood laga galayo qorshaha amniga Qaranka kaasoo dabab socda shir ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Qorshahan oo ay taageeri doonto beesha caalamka ayaa DFS waxaa lagu xiray inay kala hadasho madaxda maamullada ammaanka dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirkan, wuxuuna tilmaamay inuu ka soo bixi doono wax dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Shirka Baydhabo ayaa socon doono muddo labo maalmood ah sida la qorsheeyay, waxaana la filayaa inuu furmo maalinta barri ah 04 June, 2018.

Wufuud kala duwan oo ka socota dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemaya xarunta KMG ah ee maamulkaas qaban-qaabashada shirkan.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulankaas ka qayb galaya xilli deegaanada Puntland ay dhowr jiho kaga furanyihiin dagaalo. Halkan ka Akhri

Socdaalkan ayaa sidoo kale yimid hal maalin kadib markii ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Badda Puntland ku lahaayeen deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari.

Dhinaca kale kulanka ayaa imaanaya xilli uu aad u xunyahay xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM