Madaxweynaha Somalia oo isku xiray doorashooyinka Puntland iyo siyaasadda Somalia

Image

09 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku jiraan hormarka Puntland kasocda iyo siyaasadda Somalia heerka ay marayso xilli uu ka qayb galay labo sano guuradii kasoo wareegtay doorashada madaxda Puntland.

Xasan Sheekh ayaa Puntland ku ammaanay guulaha laga gaaray kaabayaasha dhaqaalaha iyo doorka hormarinta kasameeyeen, wuxuuna tilmaamay inay tusaale u yihiin Somalida kale ee weli ku jira kasoo kabashada dhibka ka dhacay Somalia iyo dagaallada weli socda.

Madaxweynaha dowladda Federalka ayaa soo hadal qaaday siyaasadda Somalia iyo nidaamka Federalka, wuxuuna tilmaamay inay rumowday riyadii ay qabeen dadka reer Puntland iyo dowladooda taasoo ahayd in dalka Somalia lagaarsiiyo nidaamka Federalka.

Xasan ayaa tilmaamay in habkaasi weli qabyo yahay isagoo tusaale usoo qaatay garoonka diyaaradaha Bosaso, wuxuuna sheegay sida loo quudaraynayo in lagu daro wixii kadhiman daruuri u tahay nidaamka Federalka.

Waxa uu isku xiray doorashooyinkii ka dhacay Puntland iyo sida aan loogu salayn qaabka aan ahayn inay hogaamiyaasha doortaan shacabku, wuxuuna xusay hadii qaabka dowladda Somalia qaataday durba lagu dadajiyo waxyaaba aysan awoodi karin sababi karaan burbur iyo fowdo.

Arrintan ayuu madaxweynuhu ugu gogol xaarayay doorashada dalka Somalia ka dhaci doonta sannadkan iyo ku noqoshada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, isagoor carrab-baabay inaan laga fursan karin 4.5 waloow uusan si cad u qeexin balse tusaaleeyay sida Puntland oo ku dhawaad 20 sano dowlad ahayd aysan sameyn iyadoo ka cabsi qabta tabashooyin iyo dhib dhaca.

Xasan Sheekh ayaa fariin u diray shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland, wuxuuna xusay inay ku qancaan talada iyo go'aanka ay qaataan madaxdu.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas oo madashada hadalkan Xasan Sheekh ka jeedinayay goob joog ka ahaa ayaa tilmaamay in shacabka Puntland aragtidooda soo gudbiyeen kuna taliyeen in doorashada soo socota lagu saleeyo deegaan, balse si cad uma qeexin aragtidiisa madaxweynenimo.

10 bishan ayaa loo ballansanyahay magalada Kismayo iyo madal lagu go'aamin doono habraaca doorashada 2016 ka dhacaysa Somalia, waloow shaki laga muujinayo soo xaadirka hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, halka Cabdikariim Xuseen Guleed oo ka walaacsanaa tagista Dhuusamareeb ee Prof. Jawari tilmaamay inay carqalad ku noqon doonto shirka Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM