Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa goordhaw gaaray magaaladda Bosaaso, oo ah magaalo madaxda gobolka Bari.

Axmed Madoobe ayaa waxaa wehliya wafdi balaaran oo iskugu jira Xildhibaanno iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad goboleedka xaruntiisu KMG tahay Kismaayo.

Siciid Cabdullaahi Deni, hogaamiyaha dowladda Puntland ayaa wafdi Axmed Madoobe kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaas dekadda muhiimka ah leh.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug, ayaa dhankiisa lagu waddaa in uu madaxdaan ku biiro isla markaana ay yeelan doonan kulan saddex-geesood ah.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in madaxda ay shirkooda kaga hadli doonan xaaladda guud ee Soomaaliya si gaar ah ammaanka, siyaasada iyo doorashooyinka soo aadan.

Kulankan saddex geesoodka ah ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan la filayo in doorashada madaxweynaha Gamudug ay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Xaaf oo diidey faragalinta xukuumadda ayaa guddi kale ka magacaabey magalaada Galkacayo kuna dhawaaqey inuu doorasho kale "oo Galmudug u wada dhan tahay" uu qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM