Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdiga uu horkacayo ayaa gaaray magaaladda Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland ahna xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas'uuliyiintan ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], kaasoo u soo galbiyey goob in ay ku negaadan.

Xubnahan ayaa waxay ka qeybgalayaa xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay qabsoonto maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe.

Socdaalka madaxda ayaa waxay ka dambeysay markii xukuumada federaalka ay qaadey xayiraadii socdaalka ee Kismaayo kadib cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda ayaa la filayaa in ay saacadaha soo aadan tagaan magaaladaas dekadda si ay kaga soo muuqdaan xafladda.

Amniga ayaa lagu waramayaa in aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada ammaanka heegan buuxda si ay uga hortagaan isku day walba oo qalqal gelinayo nabad-gelyadda

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM