Madaxweyne Deni oo dhagax-dhig iyo xarig-jar ka sameeyay Qardho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, oo noqonaysa xarun lagu lagu keydiyo aqoonta iyo taariikhda.

Deni ayaa bogaadiyey in maamulka degmada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka shaqeeyeen diyaarinta dhulka laga dhisayo Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho.

Sidoo kale, Madaxweynuhu ayaa cod dheer wuxuu sheegay in Dowladdu qeybteeda ka qaadanayso si loo hirgeliyo xaruntan.

Xafladda Dhagax dhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabanacad.

Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo Guddiga u qareemida dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee Qardho ayaa si lamid ah qayb ka ahaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadajir ee degmada Qardho oo la saaray Laami,

Wadada oo dhererkeedu yahay 500M waxaa hirgelisay Dowladda Hoose ee Qardho waxayna qeyb ka tahay Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Si lamid ah, Madaxweyne Deni wuxuu balan qaaday dhismaha Wadada isku xirta Hotel Gufure iyo Suuqa-weyn ee Qardho, taasi oo dhererkeedu yahay 200M.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM