Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho u duulay

Image

February 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka dhoofay magaalada Garowe iyagoo kuusii jeeda dhanka magaalada Muqdisho. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qayb ka ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Gaas ayaa ka qayb geli doona shir afar-geesood ah oo ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Arimaha ugu muhiimsan ee shirkaas diiradda lagu saarayo waxaa kamid ah: xoojinta xiriirka u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada iyo weliba dhismaha ciidamo qaran oo dhammaan gobolada laga soo xulay.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyey, waxaana xiran qaar kamid ah jidadka muhiimka ah gaar ahaan jidka Maka Al-mukarama.

Waa markii labaad ee Madaxweynaha Puntland booqasho ku tago magaalada Muqdisho laga soo bilaabo markii la doortay bishii January ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM