Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho u duulay

Image

February 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka dhoofay magaalada Garowe iyagoo kuusii jeeda dhanka magaalada Muqdisho. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qayb ka ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Gaas ayaa ka qayb geli doona shir afar-geesood ah oo ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Arimaha ugu muhiimsan ee shirkaas diiradda lagu saarayo waxaa kamid ah: xoojinta xiriirka u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada iyo weliba dhismaha ciidamo qaran oo dhammaan gobolada laga soo xulay.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyey, waxaana xiran qaar kamid ah jidadka muhiimka ah gaar ahaan jidka Maka Al-mukarama.

Waa markii labaad ee Madaxweynaha Puntland booqasho ku tago magaalada Muqdisho laga soo bilaabo markii la doortay bishii January ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM