​Madaxweyne Gaas iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Ethoipia oo kulmay

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta 23 April 2017 kulan ku yeeshay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia oo uu ka dhacayo shirka madaxda Africa ee Tana High Level Forum.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen; ammaanka, abaaraha iyo xiriirka labada dhinac.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn wasiirka u sheegay in iskaashiga dhanka amaanka Puntland iyo dalka Ethiopia uu heer wanaagsan joogo, isagoo ka dalbaday in wax laga qabto arrimaha abaahara iyo amniga.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlayay iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga iyo mashaariicaha horumarineed ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahay wadiiqo cusub  oo wanaajin karta xiriirka labada dhinac, isagoo xusay in Puntland diyaar u tahay adkaynta calaaqaadka masiiriga ah ee labada xukuumadood.

Wasiirka arrimaha debeda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan arrimaha uu kala hadlay Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa ka qaybgalaya shirka Tana Forun oo maanta la filayo in lagu soo afmeero magaalada Bahar Daar.

Kulanka ayaa looga hadlayaa nabadaynta iyo xasilinta xaaladda dalka Koonfurta Suudaan, kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailumarima iyo sidoo kale Madaxweynayaasha dalalka Liberia, Botswana, Burundi, Maser, Malawi, Sudan iyo dalka  Nigeria.  

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM