Madaxweyne Gaas oo arrimo kala duwan ka hadlay
GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Garowe, kadib muddo ka badan labo Asbuuc oo ku maqnaa waddamada Kenya, Ethiopia iyo China.
Gaas oo caasumadda Puntland kusoo dhaweeyeen xubno katirsan labada gole ee dowladda iyo shacabka magaalada, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan; Musuqa la sheegay in lagu sameeyay mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo, doorashada Somalia, safarkiisii dibadda, dib u qabashada Qandala iyo abaaraha.
Mar uu ka hadlayay safarkii uu dhawaan ku tagan waddanka China, wuxuu sheegay inuu la xiriiray arrimo maalgashi, isagoo xusay in Puntland u baahantahay hormarin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan in muhiimadda la siiyo biyaha iyo waddooyinka.
“Runtii wuxuu ahaa safar shaqo oo aad u dhib badan oo socod ah, ujeedada aanu tegnay dalka shiinuhu waxay ahayd arrin maalgashi ah, dalku wuxuu u baahan yahay isbedel, meel kasta oo aanu ka heli karno maalgashiyaga khayraadkayaga, wax soo saarkayaga, shaqo abuuris loo sameeyo dadkayaga, inaanu meel kasta u tagno, dhowr gobol ayaanu tegnay, waxaan rajaynayaa in wax wanaagsan oo deg deg ah in dadka iyo dalka uga soo baxaan,” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dalka Ethiopia, ayuu soo hadal qaaday inuu u tagay waxyaabo ku saabsan ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada, halka waddanka Kenya uu sheegay inuu kula kulmay safiirro badan oo kala hadlayay hormarinta Puntland iyo sidii loo keeni lahaa mashaariic cusub islamarkaana dardar galin loogu samayn lahaa kuwa socda.
Dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo, ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inuu soo idlaaday wajiga koowaad bixinta qandaraaska lagu dhisayo qayb kamid ah jidkaas, isagoo xusay inuu tender-ku u qabsoomay qaab cadaalad ah.
"Dowladda Germany, waxaan aad uga wada hadlaynay mashruucii jidka Garowe iyo Galkacyo dhammaystirkiisa, hadda waxaa bilaabanaya wajiga koowaad oo 80KM ah. Waan ku faraxsanahay in face-kii koowaad Tender-kiisu dhammaaday si caddaalad ah oo sax ah-na u dhacday, waxaana suuqa ka maqlayaa warar ku tiri ku teen ah oo been ah, waxaana rabnaa mashruucu inuu u qabsoomo sidii loogu talo galay shaqadiina waqtigii loogu talo galay ku dhammaato, Ciddii shiddo iyo shaqaaqa wadana annaga noo timaado,"Sidaas waxaa yiri madaxweyne Gaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dalkaas uu kala hadlay arrimo la xiriira hormarin lagu sameeyo xarumaha caafimaadka Puntland iyo dhismaha goobo lagu daryeelo bukaanka.
Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo ku aadan kuraasta lagu muransanyahay Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, wuxuuna codsaday in la cadeeyo arrimaha mugdigu ku jiro, wuxuuna khalad ku tilmaamay in qaabka loo wajahay xubnahaasi ka imaanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
”Haddii kuraastu ay dirta Waqooyi leedahay ha la siiyo, oo ha lagu dhawaaqo, marna inay yiraahdaan sool, Sanaag iyo Cayn Somaliland ayay ka mid tahay, marna yiraahdaan Dirta waqooyi ayaa qaadanaysa, iyagaa laga rabaa inay is waafajiyaan,” Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Gaas.
Gaas, wuxuu sidoo kale hambalyo u diray ciidamada difaaca Puntland iyo guushii ay ka gaareen howlgalka Qandala, wuxuuna cadeeyay inay markasta garab taaganyihiin.
Hakinta doorashada Aqalka hoose, ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna sheegay inaysan macno buuran ku jirin in la yiraahdo Puntland waxay ka hartay doorashada Somalia, isagoo taas caksigeeda sheegay inay u baahanyihiin isbadal dalka ka dhaca.
Ugu dambayntii madaxweynaha Puntland, ayaa ka hadlay abaaraha haysta dadka iyo duunyada, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin sidii loo caawin lahaa dadka tabaalaysan, wuxuuna intaas ku daray in wixii ka awood badan EEBBE ka sugayaan inuu ka caawimo.
GAROWEONLINE