Madaxweyne Gaas oo codsadey in Xildhibaano lagu kordhiyo Barlamanka Puntland

Image

GAROWE- Warar lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegey in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas qoraal codsi ah uu u soo direy gudoomiyaha Barlamanka Puntland ku waydiistey in kororsiimo lagu sameeyo tirada xildhibanada golaha shacabka Puntland.

Qoraalkaan ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in madaxweyne Gaas ku codsanayo in tirada Barlamanka Puntland la kordhiyo iyadoo diirada ka saarayo qabaa'ilo gaari ah. 

Codsiga Madaxweynaha Puntland ayaa yimid maalin kadib markii magalaada Galkacayo uu kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federalka Somalia kuwasoo wayadaan dambe olole ugu jirey sidii loo kordhin lahaa golaha shacabka Puntland.

Waydiisashada Madaxweyne Gaas ee lagu kordhinayo tirada Barlamanka ayaa noqoneysa middii ugu horeysay ee uu sameeyo mas'uulka uga sareeyo Puntland tan iyo intii dhidibada loo taagey maamulkaan sanadkii 1998.

Dhinaca kale dalabka Madaxweyne Gaas ayaa yimid xilli waqtiga Doorashada Puntland ka dhiman tahay muddo ka yar Labo sano.

Gudoonka Barlamanka Puntland ayaan weli ka hadlin codsiga Madaxweyne Gaas iyadoo wararku xusayaan in guux iyo is-wareysi ka dhex abuurtey xidhibaanada Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM