Madaxweyne Gaas oo dib Garowe ugu soo laabtey

Image

January 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, kadib safar afar maalmood qaatay oo uu ku tegay Bosaso.

Madaxweynaha waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne kale.

Warshad wayn oo hagaajisa dhagaxa door wayna ka qaadanaysa dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa madaxweynuhu xarriga ka jaray maanta, ka hor intuusan kas oo amba-bixin magaalada Bosaso.

Gaas ayaa isla markaas soo kormeeray howsha dhisme ee garoonka iyo sida ay u socoto. Wasiirka duulista hawadda Puntland Xasan Xaaji Siciid oo madaxweynaha warbixin ka siiyey arrinta garoonka, wuxuu sheegay in la dhamaystiray derbigii garoonka.

“Madaxweynuhu wuxuu la kulmay shaqaalaha ajinebiga iyo kuwa Soomaalida ahba ee dhisaya garoonka.” Ayuu yiri wasiirka duulista hawadda oo saxaafadda u sheegay booqashada madaxweynaha ee Garoonka.

Madaxweyne Gaas intii uu ku sugnaa Bosaso wuxuu kulamo la qaatay taliyaha daraawiishta Gen. Siciid dheere iyo saraakiil kale oo ay isla soo qaadeen arrimaha Galgala iyo amniga guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM