Madaxweyne Gaas oo furay kalfadhigii 37-aad ee Barlamanka [Dhagayso+Sawirro]
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa maanta furay kalfadhiga 37-aad ee Barlamanka Puntland, wuxuuna ka jeediyay khudbadiisa dastuuriga ah isagoo uga waramay waxqabadka xukuumadda iyo howlihii ay qabteen lixdii bilood ee u dhaxaysay kalfadhigan furmay iyo kii ka horeeyay.
Furitaanka kalfadhiga, waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda golayaasha kala duwan ee dowladda, beesha caalamka, qurbajoog, saraakiil ciidan, culimo, isimo iyo marti sharaf kale waxaa sidoo kale fadhiga soo xaadiray in ka badan 50-xildhibaan.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise oo ugu horeyntii hadlay ayaa sheegay kalfadhigan in looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid tahay la xisaabtanka xukumadda iyo waxyaabaha la hor keeno.
Madaxweyne Gaas oo jeediyay khudbad dheer, ayaa ugu horrayn uga hadlay dhinaca amniga, wuxuuna sheegay in dalku nabadyahay islamarkaana la adkeeyay amniga deegaanada dhaca xeebaha kadib markii kooxda Shabaab dullaan kasoo qaadeen.
Dhaqaalaha Puntland, ayuu soo hadal qaaday wuxuuna sheegay inay socdaan mashaariic badan oo ay ku jiraan garoomada Boosaso iyo Garowe, isagoo sheegay in garoonka caasumadda la dhammeeyay %50 dhismaha wadada ay ku ordaan diyaaraduhu.
Dhismayaal iyo adeegyo hormarineed ayuu tilmaamay inay ka socdaan qaybo kamid ah gobollada Puntland, wuxuuna sheegay madaxweyne Gaas inay kor u qaadeen adeegyada asaasiga ah sida waxbrashada iyo caafimaadka.
Gaas, ayaa carrabka ku dhuftay inay kor u qaadeen la xisaabtanka golaha xukuumadda, isagoo tilmaamay in dhawaan la arki doono natiijadii kasoo baxday la xisaabtankii xukuumaddiisa, wuxuuna sidaasi si lamid ah Barlamanka ku booriyay inay matalayaan shacabka sidaasi darteed howlo badan horyaallaan.
Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, ayaa madaxweyne Gaas khudbadiisa kusoo qaaday, wuxuuna sheegay in Puntland waqti iyo maalba ku bixisay sidii loo heli lahaa dowlad Federal ah, balse aysan ka helin arrimihii lagu sugayay, taasoo keentay inay yimaadaan khilaafaad iyo kala aragti duwanaan xoogaysatay waqtigii ay soo shaac baxday inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweynaha, ayaa sheegay inay ujeedkii loo qaatay 4.5 ay tahay sidii loogu tanaasuli lahaa shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in qaadashada habkaasi ka sameeyeen damaanad.
Xiriirka dabadda, ayuu soo hadal qaaday inay wanaajisay xukuumaddiisu, isagoo tilmaamay inuu booqasho ku tagay waddamada; Maraykanka, Kenya, Jabuti iyo waddamo kale, wuxuuna intaasi raacshay inay hishiisyo wadagaleen qaar kamid ah ururrada IGAD iyo Midowga Yurub.
Furitaanka Kalfadhigan, ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Madaxweyne Gaas, ka gaabisay arrimo badan sida dhaqaalaha iyo amniga, sidaasi darteed majirin wax su'aalo ah oo la weydiiyay madaxweyne Gaas.
GAROWEONLINE