​Madaxweyne Gaas oo Garowe yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo muddo shan cisho ah safar ugu maqnaa caasumadda Somalia ayaa soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Gudoomiyaha Barlamanka, wasiirro, Xildhibaanno, maamulka gobolka Nugal, kan degmada Garowe iyo boqolaal dadweyne ah ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kanoco.

Gaas oo xarunta madaxtoooyada kula hadlayay warbaahinta ayaa sharaxay safarkii Muqdishu, wuxuuna tilmaamay inay guul kusoo dhammaadeen arrimihii ay u tageen kadib markii madaxweynaha Somalia hishiiskii lagu muransanaa ku ansixiyay xeer madaxweyne.

Wuxuu tilmaamay in madal kale oo arrinta doorashada daba socota la isugu imaan doono magalada Garowe islamarkaana laga wada hadli doono marxaladda kala guurka ah iyo doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadka.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa mar kale ku celiyay inay dhawaan qaban doonaan shirka looga hadlayo dastuurka dalka, wuxuuna ku baaqay inay shacabka Puntland u diyaar garoobaan marxaladda isbadalka ah.

Imaanshaha madaxweynaha ayaa kusoo beegmay xilli la hadal hayo inuu dhawaan gaaro magalada Qardho oo la sheegay inuu ka furmi doono shir ay si xooggan uga horyimaadeen isimada dhawaan ku shiray caasumadda Puntland.

Wuxuu sidoo kale kusoo aaday xilli maanta shir dhex-dhexaadin ah isimo kawadaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM