​Madaxweyne Gaas oo Garowe yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo muddo shan cisho ah safar ugu maqnaa caasumadda Somalia ayaa soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Gudoomiyaha Barlamanka, wasiirro, Xildhibaanno, maamulka gobolka Nugal, kan degmada Garowe iyo boqolaal dadweyne ah ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kanoco.

Gaas oo xarunta madaxtoooyada kula hadlayay warbaahinta ayaa sharaxay safarkii Muqdishu, wuxuuna tilmaamay inay guul kusoo dhammaadeen arrimihii ay u tageen kadib markii madaxweynaha Somalia hishiiskii lagu muransanaa ku ansixiyay xeer madaxweyne.

Wuxuu tilmaamay in madal kale oo arrinta doorashada daba socota la isugu imaan doono magalada Garowe islamarkaana laga wada hadli doono marxaladda kala guurka ah iyo doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadka.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa mar kale ku celiyay inay dhawaan qaban doonaan shirka looga hadlayo dastuurka dalka, wuxuuna ku baaqay inay shacabka Puntland u diyaar garoobaan marxaladda isbadalka ah.

Imaanshaha madaxweynaha ayaa kusoo beegmay xilli la hadal hayo inuu dhawaan gaaro magalada Qardho oo la sheegay inuu ka furmi doono shir ay si xooggan uga horyimaadeen isimada dhawaan ku shiray caasumadda Puntland.

Wuxuu sidoo kale kusoo aaday xilli maanta shir dhex-dhexaadin ah isimo kawadaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM