Madaxweyne Gaas oo go'aan u gudbiyey guddiga doorashada, Camey oo diidey
GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe oo ay ka socdaan doorashooyinka aqalka Hoose ee Barlamanka Somalia ayaa waxaa jira muran soo kala dhexgaley qaybo tirsan beelaha qaybsanaya xilalka xildhibanada kasoo sababey in madaxda maamulkaan isku khilaafaan faragalin ay ku sameeyaan hab qaybsiga beelaha dhexdooda ah.
Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Galkacayo ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in guddiga doorashada u sheegey qaabka beelaha Baho-Nugaaleed Dhulbahante u kala leeyihiin kuraasta xildhibanada aqalka Hoose ee Barlamanka Somalia.
Beelaha Baho-Nugaaleed Dhulbahante oo dhexdooda ka heshiin waayey maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxaa Barlamankii hore ee waqtigiisu dhamaadey xildhibaano ka ahaa Beesha Khalid, Xasan Ugaas iyo Hayaag halka go'aanka Madaxweynaha Puntland u gudbiyey guddiga doorashada ku sheegey in xildhibanada aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka 2016 la siiyo beelaha Khalid, Xasan Ugaas iyo Yaxye.
Wararka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in madaama Madaxweyne Gaas go'aankaan uusan kala tashan Madaxweyne ku- xigeenka Puntland uu diidey isagoo islamrkaana guddiga doorashada gaarsiiyey ineysan ku dhaqmi karin habqaybsiga loo soo gudbiyey.
Go'aanka Madaxweyne Gaas ayaa xogtaan sheegeysaa inuu ku qancinayey gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland Xuseen Yaasin Xaaji oo kasoo jeeda beesha Khalid dhulbahante iyo Saadiq Garaad oo olole isaguna ugu jirey in beesha Yaxye hesho kursiga Barlamanka sanadkaan.
Labadaan xildhibaan oo ah xubnaha ugu tunka weyn Barlamanka Puntland kuwasoo hor-jooga yaal u ah 17 Mudane ee aqalka wakiilada ugu jira beesha Dhulbahante ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan ka dhexeyn Madaxweyne ku xigeenka Puntland wayadaan dambe.
Khilaafka wada-tashi la'aanta madaxda ugu sareysa Puntland ayaa ah mid soo noqnoqda kasoo sida warsidaha GO fahansan yahay mar walba ka yimaada dhinaca Madaxweyne Gaas kaasoo go'aamada siyaasdeed ee masiiriga ah iyo kuwa beelaha go'aansada isagoo aan la tashan hay'adaha kale ee dowlada iyo guud ahaan shacabka Puntland.
GAROWEONLINE