Madaxweyne Gaas oo ka codasdey Issimada Puntland iney shir isugu yimadaan [AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal ku taariikheysan 20 July,2017 ayaa Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas waxaa issimada Puntland kaga codsanayaa iney soo ajiibaan kulan beesha Tanade Darood loogu qabanayo magaalo madaxda  Garowe 25/07/2017.

Qoraal Madaxweynaha Puntland ku saxiixan yahay oo Nuqul kamid ah warsidaha GO soo gaarey ayaa Mudane Gaas waxaa uu ku leeyahay markaan arkey qoraal issimada ii soo gudbiyeen 04/07/2017 Waxaan codsanayaa in dhamaan odey dhaqameedka Puntland si balaaran u soo ajiibaan kulanka ay ku baaqeen beesha Tanade iyo Issimada qaarkood kasoo magalaada Garowe ku yeesheen 16/07/2017.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo horey ugu soo gudbiyey Barlamanka codsi  ah in kuraasta aqalka wakiilada kororsiimo loogu sameeyo beesha Tanade ayaa fashilmey kadib markii mudanayasha golaha shacabka diideen kuwasoo sheegey in qodoba Dasturka Puntland ka hor-imaaneyso talaabdaan.

Lama oga kulankaan uu Madaxweynaha Puntland ku codsadey in Issimada isugu yimadaan maalinta berri ah ka furmayo magalaada Garowe iyadoo warar qaarkood sheegayaan in odey dhaqameedka qaarkood ka cududaarteen.

Kulankaan Madaxweynaha Puntland codsadey ayaa imaanaya xilli golaha baralamanka kalsoonadii kala noqdeen xukuumada Gaas dhamaanteed kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley.

Hoos ka akhri qoraalka codsiga Madaxweynaha Puntland.

Xuquuqda qoraalkaan waxaa iska leh GO hadaad dib u isticmaaleyso xogtaan xus warsidahaan adigoo kala soo xiriiraya contact@garoweonline.com

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM