​Madaxweyne Gaas oo ka dhoofaya Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha xarunta ganacsiga ee Boosaaso isagoo kusii jeeda magaalada Kismayo, halkaasoo shir ay ku yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Gaas oo ay shirkan ku weheliyaan mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Kismayo oo iminka ay joogaan Madaxweyne Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Puntland, ayaa gordhow la hadli doona warbaahinta isagoo kawaramaya safarkiisa inkastoo goor sii horaysay Gaas iyo Xukuumaddiisu ay si buuxda u taageereen shirkaas, balse uu ka horyimid ku-xigeenkiisa Camey oo ku tilmaamay kulanka Kismaayo mid aan ka turjumayn maslaxadda umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa inay isla maanta yimaadaan magaalada Kismaayo Wufuud ka socota HirShabeelle iyo Galmudug, kuwaasoo la sheegay inay ka qayb galayaan kulankaas oo shaki ku jiro inay yimaadaan madaxda DFS.

Qaban qaabada xafladda soo dhaweynta madaxdaas ayaa hadda ka socota Garoonka diyaaradaha xarunta gobolka Jubbadaha hoose.

Sawirro goordhow lagasoo qaaday ayaa muujinaya sida loogu diyaar gareeyay soo dhaaweynta wufuudaas, waxaana goob joogayaal la hadlay GO, ay sheegeen in garoonka ay ku suganyihiin Madaxweyne Shariif iyo Madoobe.

Amniga xarunta Jubbaland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemaya qaban qaabada shirkan looga hadli doono khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM