​Madaxweyne Gaas oo ka dhoofaya Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha xarunta ganacsiga ee Boosaaso isagoo kusii jeeda magaalada Kismayo, halkaasoo shir ay ku yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Gaas oo ay shirkan ku weheliyaan mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Kismayo oo iminka ay joogaan Madaxweyne Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Puntland, ayaa gordhow la hadli doona warbaahinta isagoo kawaramaya safarkiisa inkastoo goor sii horaysay Gaas iyo Xukuumaddiisu ay si buuxda u taageereen shirkaas, balse uu ka horyimid ku-xigeenkiisa Camey oo ku tilmaamay kulanka Kismaayo mid aan ka turjumayn maslaxadda umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa inay isla maanta yimaadaan magaalada Kismaayo Wufuud ka socota HirShabeelle iyo Galmudug, kuwaasoo la sheegay inay ka qayb galayaan kulankaas oo shaki ku jiro inay yimaadaan madaxda DFS.

Qaban qaabada xafladda soo dhaweynta madaxdaas ayaa hadda ka socota Garoonka diyaaradaha xarunta gobolka Jubbadaha hoose.

Sawirro goordhow lagasoo qaaday ayaa muujinaya sida loogu diyaar gareeyay soo dhaaweynta wufuudaas, waxaana goob joogayaal la hadlay GO, ay sheegeen in garoonka ay ku suganyihiin Madaxweyne Shariif iyo Madoobe.

Amniga xarunta Jubbaland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemaya qaban qaabada shirkan looga hadli doono khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM