​Madaxweyne Gaas oo ka hadlay safarkiisa Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas", ayaa ka hadlay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magalada Muqdishu xarunta Somalia kadib markii uu maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Gaas ayaa sheegay inuu ka qayb galay shirka madasha wadatashiga madaxda Somaliyeed ee looga hadlay arrimo kala duwan oo diiradda lagu saaray hormarka dalka iyo doorashooyinka dhacaya 2016.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaasi lagu go'aamiyay qaabkii umadda Somaliyeed u heli lahaayeen matalaad dhab ah iyo sidii sannadka 2020 dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu tilmaamay in hishiiskii dhawaan ka dhacay Garowe iyo war-murtiyeedka soo baxay is-waafaqayaan isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay go'aamada soo baxay.

“Waxaa ka muuqdey warmutiyeedkii kasoo baxay shirka in lays waafajiyo heshiiskii dawladda Puntland iyo Dalwadda federaalku ay ku galeen magaalada garoowe, beesha caalamkuna ay markhaatiga ka ahayd iyo waxa kasoo baxay madasha wadatashiga qaran in ay is waafaqaan," Ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa xusay inuu dhawaan dhici doono shir looga hadlayo dastuurka dalka oo ka dhici doono magalada Garowe, isagoo sheegay in looga wada xaajoon doono faro-galinta lagu sameeyay xeerka hagaya shacabka Somaliyeed, wuxuuna shaaciyay inuu socon doono 10 bari.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn ALLE ka baryay inuu umadda Somaliyeed ka dul qaado abaaraha islamarkaana ugu deeqo raxmadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM