Madaxweyne Gaas oo ka qayb galaya shirka Tana Forum

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas ayaa maanta ka dhoofay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug isagoo uu weheliyo wasiirka Ganacsiga.

Gaas oo u dhoofay dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada inuu ka qayb galayo shir ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Shirkani Tana Forum ee u dhexeeya madaxda Qaarada Africa ayaa waxaa looga hadli doonaa xiriirka waddamada Qaarada Africa, siyaasada, ammaanka iyo wixii ka hirgalay qodobadii laga soo saaray kulankii hore.

Kulankan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa sannadkiiba mar lagu qabtaa magaalada Bahar Dahar ee dalka Ethiopia.

Hada ka hor Madaxweynaha Puntland, ayaa shirkaas ka qayb galay, wuxuuna kajeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda Somalia gaar ahaan maamulkiisa.

War-saxaafadeed Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Gaas kulankaas uu la tagi doono ajandayaal uu ku jiro isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Somalia iyo xaaladda hadda ka jirta deegaanada Puntland.

Xubno katirsan dowladda ayaa kusii sagootisay Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf, wuxuuna baxay isagoo warbaahinta faah faahin ka siin socdaalkiisa.

Lama oga ujeedka looga qariyay warbaahinta, balse safarkiisa ayaa yimid labo maalin kadib markii uu kasoo laabtay caasumadda Somalia ee Muqdishu.

Kahor intuusan Xamar Aadin Madaxweynaha Puntland, ayaa kayimid magaalada Addisa oo soo maray isagoo kasoo laabtay booqasho uu horaantii bishan ku tagay Imaaraadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM