Gaas oo ku fashilmey xulista madaxda degmooyinka Puntland

Image

Sept 29,2015 (GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo Labo bilood ka hor kala direy golihii degaanka magaalada Bosaso ayaa maalintii shaley waxaa la shaaciyey liiska xubnihii golaha cusub ee beelaha halkaas daga soo xusheen.

Liiska magacyada beelaha soo gudbiyeen ayaa waxaa gabi ahaanba ka maqan magaca godoomiyihii degmada KMG ahaa ee Bosaso kasoo madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas wareegto ugu magacaabey markii uu dhowaan kala direy golihii degaanka ee xarunta gancsiga Puntland. 

Maxamad Siciid Shabeele oo ahaa gudoomiyaha degmada KMG ah ee magaalada Bosaso ayaa xubintii golaha kasoo waayey beeshiisa  kadib markii ay dhumiyeen kalsoonida ay ku qabaan inuu ku guuleysan karo doorashada golaha degaanka ee xarunta gancsiga Puntland taasoo la qaban doono maalmaha soo socota.

Shabeele intii uu xilkaan KMG ahaa uu hayey ayaa waxaa lagu soo eedeeyey musuqmaasuq iyo is-daba marin uu ku sameeyey hantida shacabka isaga oo intii ay socotey xulashada golayaasha degaanka degmada Bosaso laga joojiyey saxiixa dakhliga degmada.

Talaabadaan ayaa ka dhigeysa fashilkii 2aad ee madaxweyne Gaas kasoo gaara in xubnihii sida KMG ahaanta ugu magacaabo gudoomiye degmo ee magaalooyinka Garowe iyo Bosaso kadib markii uu kala direy golayaasha degaanka waayaan kasoonida shacabka.

"Madaxweynaha Puntland oo siyaasad ahaan qorsheynayey markii hore uu kala dirayey golayaasha degaanka Bosaso iyo Garowe inuu meesha ka saaro  gudoomiye-yaashII hore ee degmooyinka Garowe iyo Bosaso iney mar-labaad u tartamaan xilka madaama ay lasoo shaqeeyeen xukuumadii isaga ka horeysay ayaa sida muuqato waxaa uu ku guldareystey inuu lasoo baxo madax cusub." sidaas waxa Garowe Online u sheegey xubin dhowaan ku guuleysatey liiska golaha degaanka magaalada Bosaso.

Dhinaca kale warsidaha Garowe Online oo fahansan in doorashada golaha degaanka ee dhowaan ka dhacdey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar uu Madaxweynaha Puntland siyaasad ahaan tageerayey ninkii laga adkaadey.

Mudane Gaas ayaa wararku sheegayaan in dabada ka riixayey nin la yiraahdo Farax Gaab kasoo horey ula soo shaqeeyey madaxweynaha waqtigii doorashada Puntland ka dhacaysay 2014.

Farax Gaab ayaa qayb libaax ka qaatey gubista iyo is-hortaagii lagu sameeyey doorashooyinkii xorta ahaa ee xukuumadii madaxweyne Farole qorsheynayey in Puntland ka hirgaliso sanadkii 2013.

Dhinaca kale waxa muran xoogan iyo is-qabqabsi ka tagaan yahay golaha degaanka magaalada Galkacayo kaasoo madaxweyne Gaas horey uga qayb qaatey soo dhisidiisa sanadkii 2014. Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya sida wararku sheegayaan in golahaan degaanka kala diro dhowaan.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa maalintii shaley xilka iska-casiley kadib markii warar lagu kalsoon yahay sheegeen inuu la shaqeyn waayey madaxweynaha Puntland iyo gudoomiyaha degmada Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM