Madaxweyne Gaas oo ku wajahan Galkacayo, muxuu la xiriiraa safarkiisu?

Image

GAROWE Jan 10,2015 [GO]- Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweynaha dowlada Puntland ku wajahan yahay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Galkacayo.

Madaxweynaha Puntland oo safarkaan shalay ka sheegey kulan uu la qaatey Agaasimayasha guud ee Wasaardaha ayaa xusey in safar shaqo  ugu ambabixi doono magaalada Galkacayo.

Wararka ku hareereysan safarkaan ayaa tibaaxaya inuu la xiriiro kadib markii gabi ahaanba istaageen shaqooyinkii maamulka gobolka, Degmada iyo Taliska ciidmaada Booliiska.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxaa is-casiley Taliyihii qaybta gobolka Mudug kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley isaga ku-xigeenkiisa. Taliyaha Qaybta Booliska ayaa wararku sheegayaan inuu ka cabanayo kadib markii ku-xigeenkiisa  shaqadii kala wareegey islamarkana diidey inuu ka amar qaato.

Mas'uul ku sugan magaalada Galkacayo oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in ku-xigeenka Taliyaha Qaybtu maamulo Gadiid dagaal kuwaasoo dhowaan Madaxweynaha Puntland ku wareejiyey ciidamo lagu sheegey kuwa Birmadka.

Dhinaca kale waxaa khilaaf xoogan ka dhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Mudug "Tigey" iyo Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Mudug "Gaadayare". Gudoomiye "Tigey" oo dhowaan cabasho u yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa wararku xusayaan inuu Istiqaalad keeney balse ma jiro warar xaqiijinaya in laga aqbaley.

Waxaa sidoo kale curyaamey shaqada golaha degaanka kadib markii dhowaan la doortey Guddoomiyaha degmada Galgalkacayo iyo ku-xigenkiisa kuwaasoo dadka degaanka rumeysan yihiin ineysan gabi ahaanba khibrad u laheyn howlaha mas'uuliyadeed ee loo dhiibey iyo xallinta siyaasada iska hor-imaaneysa ee degmada.

Gudoomiyaha degmada Galkacayo oo kamid ahaa dadka qurba-joogta ah ee wadanka yimid kadib doorashadii Madaxaweyne Cabdiweli Cali Gaas wuxuu iminka safar ugu maqan yahay wadanka Sweden halka uu xilka sii hayo ku-xigeenkiisa.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Galkacayo ayaa dadka aqoonta u leh warsidaha Garowe Online u sheegeen inuusan khibrad shaqo u lahayn howsha shaqo ee loo doortey islamarkaana uusan horey u soo qaban xafiis dowladdeed iyo kuwo kaleba.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo noqonaya midkii labaad ee uu ku tago Galkacayo ayaa ah mid la xiriira xalinta khilaafaadka iyo wada shaqeyn la'aan ragaadisay laamaha dowlada ee gobolka Mudug.

Garoonka diyaradaha magaalada Galkacayo waxaa lagu diley labo qof oo Ajnabi ah oo u shaqeynayey Qaramada Midobey Markaasoo Madaxweyne Gaas booqashadiisii ugu horeysey ku tagey gobolka Mudug.

Gacan ku-dhiiglihii gaystey falkaan ayaan weli wax Maxkamad ah la soo taagin iyadoo wararku sheegayaan in eheladiisa ku doodayaan inuu maskaxda ka jiran yahay islamarkaana uusan miyir qabin.

Golaha xukuumada Puntland ayaa sidoo kale kulan dhowaan ay yeesheen digniin u soo jeediyey dad ka tirsan Mudugta Woqooyi kuwaasoo looga baqayo iney ka qayb galaan shirweyne la sheegey in lagu dhisayo maamul goboleedka gobolada dhexe.

Dadweynaha gobolka Mudug qaybo ka tirsan ayaa mucaaradad xoogan kala horyimid dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxman Farole kuwaasoo ku eedeynayey arrimo la xiriira kuwa hadda taagan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM