Madaxweyne Gaas oo la kulmay madaxda Hay'adaha UN-ka.

Image
Image

January 21 , 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula qaatay madaxtooyada Puntland ee Garoowe madaxda Hay'addaha UN-ka ee ka howlgala Puntland.

Kulankan oo uu shir gudoominayey madaxweyne Gaas ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax.

Muhiimada shirka ayaa ahaa xoojinta iskaashiga wada shaqeyn ee ay hay'adahaasi la leeyihiin dawladda Puntland iyo sidookale soo bandhigada waxqabadkoodii sanadkii tagey ee 2014 iyo qorshayaasha horumarineed ee u dagsan sanadkaan cusub ee 2015.

Mudadii uu socday kulanka ayaa waxaa la is dhaafsaday su'aalo ku aadan waxqabadka hay'adahaasi ka fuliyeen Puntland iyo hadii ay jireen waxyaabo caqabada ah oo ka hor istaagay shaqadooda, balse waxaa ay cadeeyen in ay san jirin wax dhib ah oo ay la kulmeen.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Camey ayaa kula dardaarmay madaxda Hay'addaha UN-ka in ay ku dadaalan bixinta canshuuraha waajibka ku ah.

Si kastaba kulankaas ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, iyagoo madaxda ka tirsan hay'adaha ay dhankooda sheegeen in ay kor u qaadayaan hawlahooda hormarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM