​Madaxweyne Gaas oo laga waraystay Mowqifka Puntland ka istaagtay Khilaafka Khaliijka [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalin kadib faah faahin ka bixiyay tallaabada xukuumadda Puntland xiriirka ugu jartay Qadar iyadoo la safatay waddamada uu hogaaminayo Sucuudiga.

Gaas oo waraysi siiyay VOA laanteeda Afka Somaliga xilli uu maanta 17 Augost, 2017 u dhoofay waddanka Sucuudiga ayaa sheegay in arrintan tahay go'aan ku yimid wadatashi iyo baaris qaadatey waqti dheer, isagoo carrabka ku dhuftay in dowladda Somalia ay siinayaan talo ku aadan inay dib uga laabato go'aanka Dhex-dhexaadka ah.

"Mowqifku walaale waxaa weeye tallo anagu aanu siineyno Dowladda Federaalka ah oo aanu ka codsaneyno in ay dib u eegto go'aankaas dhex dhexaadnimada ah ee dowladdu ay qaadatay oo markii anagu, anigu hadee cidkale u hadli maayee Puntland baan u hadlaya maamulkeeda iyo dowladdeeda, noola muuqday in uusan aheyn mid xaalada markaa taagan ku haboon," Ayuu yiri Gaas isagoo intaas ku daray, " Anagu ra'yigayaga baanu cabireynay iyo waxa uu yahay Mowqofka Dowladda Puntland ee arrintaasi ku saabsan oo aanu tallo ku siineyno Dowladda Federaalka."

Mar wax laga weydiiyay Madaxweynaha Puntland, sababta xilligaan kusoo beegtay in Puntland qaadato Mowqif ka duwan midka ay istaagtay dowladda Somalia ayaa yiri, "Anagu marwalba waxaanu siineynay tallada oo laheyn ha looga danbeeyo Dowladda Federaalka ah, mowqifkayaga si cad baanu ugu sheegnay xukuumadda iyo Dowladda, marka dee dabcan Dowladda haday go'aan qaadatay in dowladda lagula taliyo, loo sheego fekerkayagu wuxuu yahay, iyada marka hore ra'yiga lala qaybsado oo aanu u sheegno waxaasi sida aysan sax u aheyn, ama ra'yiga caamka ah ee danta uu yahay in marka hore iyada lala wadaago oo aan lala ordin dee baa fiican. Anagu muddo hada labo bilood iyo xoogaa ay kasoo wareegtay arrintaasi Dowladda waanu kala tashanay, waana u sheegnay wixii uu fekeraykagu yahay howshaa iyada ah."

Cabdiwali Maxamed Cali oo sidoo kale ka jawaabayay su'aal la xariirta in Mowqifka Puntland kusoo aaday markii dowladda Somalia ka dhaga adaygtay codsiyo khuseeya inay ka noqot go'aanka dhex-dhexaadka ay waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay xal laga gaaro arrimaha keenay Khilaafka dalalkaas Carbeed.

"Maya hadana waxaa noo muuqda arrintan inay tahay arrin dhowaan xalismeysa oo dee hadii ay tahay xalismeysa oo iska fududaaneysa muhiimadba ma ahaateen, laakiin waxaa noo muuqda howshani inay sii cuslaaneyso, loona baahanyahay in arrintaa wax laga bedelo marka la eego culeysyada ku saabsan arrintan ee la xiriira dhibka ka taagan khaliijka marka taa ayaa keentay in wakhtigan hada in arrintan aan wax ka niraahno," Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Gaas.

Gaas oo sii hadlaya ayaa beeninay in arrintaan ku kaliftay Culaysyo siyaasadeed oo uga imaanayay waddamada Carabta qaybtood.

"Adeer wax ka jiraahi ma jiraan, su'aasha laftarkeeda waxaan rabaa in la weydiiyo Dowladda Federaalka ah oo aad weydiisaan, horta dhexdhexaadnimada, dhex dhexaadnimo maahane micnaheedu waxaa weeye, waxaa lala jirsaday oo la support-gareeyay Qadar weeye micnaheedu. Marka sabab hada kalifi kartana ma garan karo, waad ogtihiin anaga xiriirka nagala dhexeeya Dowladda Imaaraadka carabta, Malaayiinta Soomaalida ah ee ku nool , ganacsiga nagala dhexeeya, Puntland-na barnaamijyo gaar ah oo ay la wadaa jirta, oo arrimaha nabadgelyada ku saabsan, horumarinta mashaariicda ku saabsan, xoolahayagii maanta carafada intaasi oo Milyan baa u dhoofeysa, intaasi oo dhaqaale ah baa kasoo gelaya, anaga Puntland ahaan dee wax hada Qadar naga soo gaara majirto, in la sharxaa la rabaa oo loo sheego dadka waxa lagu bedelanayo Qadar in la taageero." Sidaas waxaa sheegay Madaxweynaha Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali oo hadda ku sugan Sacuudiga ayaa sidoo kale waxaa la weydiiyay sababta Puntland khalad ugu aragto inay dhex-dhexaad dowladda Somalia ka noqoto khilaafka Khaliijka iyadoo ay jiraan waddamo badan oo qaatay mowqifkaas mid lamid ah.

"Wadan walba strategic Interest iyo muhiimadiisa siyaasadeed uun baa muhim u ah ma ogtahay, Dowladd Hebel baa qaadatay ee anaguna aan qaadano dee maaha jawaabta saxda ahi, marwalba waxaa la eegaya waxaa weeye xiriirka ka dhexeeya iyo danta aan ka leenahay dowladdaha kala duwan ee arrintaas isku haya, marka cidkale go'aankeeda anaga waxba nagama khuseeyaan, waxa wax naga khuseeyaan Dowladda Soomaaliyeed weeye go'aankeeda iyo mararka qaar go'aanada masiiriga ah oo la qaadanayo in waxaa fiican daban in aad looga fekero oo laga wada tashado oo markaasi go'aankii saxa ahaa la qaato, Dowladda Puntland si mugleh ayeey u taageersantahay Dowladda Federaalka, wada shaqeyn fiican ayaana ka dhexaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka ah , Puntland-na dee waxay ka tirsantahay Dowladda Federaalka ah, Laakiin mararka qaarkood in aan ra'yigayaga dhiibano dadka Puntland xaq bey u leeyihiin." Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Somalia.

"Ma jirto inaba ha leekaatee wax ka dhexeeya, Dowladda Puntland wax aan taageero aheyn oo ay u heyso Dowladda Federaalka ah ma jirto, wayna la shaqeynaysaa, waxayna jeceshahay in ay horumarto, in ay xaalad kasta oo adag ay ka gudubto, in dadkan hore loo qaado oo masiirkiisa la horumariyo, howlaha yaala oo tirada badan oo mustaqbalka Soomaaliyana laga wada shaqeeyo si dhow loo wada shaqeeyo, wax aan wanaag iyo saaxiibtinom aheyn oo ka dhexeeya majiraan anaga iyo madaxda Dowladda Federaalka ah , wax aan wanaag aheyn oo ka dhexeeya Dowladda Federalka iyo Puntland-na ma jiraan, Dowladda Puntland-na si mug leh ayeey u taageersantahay Dowladda Federaalka." Gaas ayaa sidaas u sheegay VOA.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale iska fogeeyay in Puntland jabisay qodob kamid ah Dastuurka Somalia oo dhigay in dowladda Dhexe looga dambeeyo arrimaha Caalamka.

"Maya walaal wixii Dowladda Federaalka ah xaq u leedahay, xaq bey u leedahay, Dastuurka laftarkiisa dhigaya in talooyin qaarkood laga wadatashado oo waxaan xaq u leenahay inaan talada wax ku yeelanayo, Laakiin hadee go'aanka qaadanay anagu Dowladda talo uun baan siinay, Role- Dowladda Federaalka leedahay oo Puntland qaadatayna meeshaan ma jiro , Awood Dastuuri ah oo Dowladda Federaalka leedahay oo Puntland hada haysato oo la wareegtayna majiro, ee waxaa weeye fikirkayga inaan u cabirno una sheegno talona ku siino intaasi weeye xaashida waxay ku saabsantahay adeer." Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Cabdiwali Maxamed Cali.

Isagoo sii waramaya Madaxweyne Gaas ayaa carrabka ku dhuftay in go'aankaas wixii ka dambeeyay aysan jirin xiriir dhexmaray Madaxda Puntland iyo kuwa dowladda Federaalka Somalia, balse wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay in lawada hadlo oo laga munaaqishooda arrimaha dalka.

"Maya aniguna xalay ilaa saaka safar baan so ahaayoo Garoowe baan ka imidoo hada Boosaaso baan joogaa, laakiin dabcan waa lagama maarmaan inaan wadahadalno oo aan wax iska niraahno arrinta iyada ah inshallah."

Madaxweynaha Puntland, wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay qaabka ay wax u wadaan Madaxda dowladda Federaalka Somalia gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha, isagoo ku baaqay in waqti la siiyo si loo qiimeeyo wax-qabadkooda.

"Anigu waxaan aaminsanahay Madaxweynaha iyo Prime minister-ka labaduba shaqo fiican ayeey hayaan, Dowladda Soomaaliyana waa cusubtahayoo dee hada wakhti wax laga sheego oo la yiraahdo waxaas iyo waxaas baa jira majiro , dabcan wakhti in lasiiyo ayeey u baahantahay dowladdu, Shaqooyinka ay haysona lagu taageero"

Ugu dambayn Madaxweynaha Puntland ayaa bixiyay sawir ah in arrintaas aysan keeni karin kala fogaansho u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Somalia.

"Maya adeer waxa weeye waxa laga shaqeynaya waa Mustaqbalka Soomaaliya, waa wanaaga Soomaaliya, mararka qaarkood fikirka qaarkood waa lagu kala duwanaan karaa, taa micnaheedu maahan markii feker lagu kala duwanaaday in la dagaalamay maahan adeer macaane, waxaa weeye taasi siyaasad mahan dhaqan dowladdnimona maaha, waxaa weeye Dowladdu ra'yiga waa lasiin karaa, wax waa loo sheegi karaa, fekerada qaarkood waa lagu kala duwanaan karaa, marka maaha micnaheedu hal aragti oo yar oo lagu kala duwanyahay, maaha in la kala xiriir-furtay oo la dagaalamay, Dowladdnimadu saas kuma shaqeyso, Dowladdnimona saas ku jiri mayso hadii sidaasi loo dhaqmo".

Hadalkan ayaa kusoo aaday Xilli Madaxweyne Gaas maanta u dhoofay Sacuudiga iyo Bosaso ka raacay mid kamid ah Diyaaradaha Gaarka loo leeyahay oo lagu dhaliilayo inay lacago dheeraad ah kusoo rogeen Shacabka soo gudanaya Acmaasha Xajka, taasoo aysan waxba ka qaban madaxda maamullada oo iyaga laftigooda lagu tuhmayo inay wax ka ogyihiin dhibka lagu hayo umadda Somaliyeed.

GAROWEONLINE+DEPARANI

Related Articles

Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

  • Puntland

    11-11-2024

  • 03:23AM

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM