​Madaxweyne Gaas oo mar kale abaarta ka hadlay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 December 2016 ka hadlay heerka ay marayso abaarta laxaadka leh ee ka jirta gobollada iyo degmooyinka maamulkaasi, kadib waraysi uu siiyey  Warbaahin caalami ah oo kusoo booqatay madaxtooyada Garowe.

Madaxweyne Gaas, ayaa u waramay Al-jazeera, Al-carabiya,  Al-mayaadiin,  Aanadol Agency, AFP iyo Reuters, sidoo kale waxaa joogay warbaahinta gudaha dalka ee af soomaaliga ku hadla.

Gaas, ayaa sheegay in abaarta kajirta Puntland aad u dabo dheeraatay islamarkaana u baahantahay in wax laga qabto isagoo sheegay inay wadaan dadaalkooda ku aadan sidii loo samatabixin lahaa dadka iyo duunyada.

‘’Xaalada Abaareed ee ka jirta guud ahaan Somalia gaar ahaan Puntland waa mid saamayn xooga ku yeelatay dadkii iyo duunyadiiba, xoolihii badan koodu waa ka dhammadeen, dadkiina waa ay soo xeroodeen badan koodu iyagoo imaanaya degmooyinka iyo tuulooyinka Puntland, abaartan ka jirta Puntland waxa ay u baahan tahay xal, talaabada koowaadna waa mid ah runtii ah in dadka lala soo gaaro macaawimo deg deg ah oo isugu jirta;  Biyo, Cunto iyo Daawo. Tan labaadna waxa weeye sidii  looga gaashaaman lahaa abaartan soo laalaabatay xal waarana looga gaari lahaa,’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha, ayaa xusay in dowladda iyo shacabkuba ka shaqeeyeen sidii dadka wax loo gaarsiin lahaa, waloow uu xusay inaysan wax badan kaafin.

Gaas, ayaa sidoo kale dhaliilay hay'adaha ka howlgala Puntland, isagoo sheegay inaysan kasoo jawaabin baaq uu diray horraantii sannadkan dhammaadka ah.

‘’Bishii February ee sanadkan 2016 ayaanu ku wargeliney haay’adaha dalka inay ka jirto abaar baaxadleh kana sii darnaan karto,  ilaa iminka  waa diyaar garoobayaan wax jawaabana kama hayno badan kooda wax yar mooyaane, qaarkood waxay aaminsan yihiin ilaa abaartu gaadho macaluul inaanay wax gargaara ka gaysan Karin dadka baartu saamaysay ee gurmadka loo fidinaayo,’’ Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Gaas.

Ugu dambayn madaxweyne Gaas, ayaa baaq xooggan u diray, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo hay'adaha ku hawllan arrimaha bini aadantinimada inay ka soo qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka abaartu saamaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM